Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Mahad Salaad is destroying hay'adda sirdoonka

Recommended Posts

In the recent days, kuwii afka duubnaa are making unbelievably major waves. Is Mahad Salaad and Imaaraadka facilitating and helping these argagaxiso already? Many basaasiin ayaa dalka soo galay in the last two months.

Big qarax in Jowhar ten days ago. Another big qarax in Marko today that killed guddoomiyaha degmada, who also fought for many years reero isbaaro. Also the current dagaal in Soomaali Galbeed by these argagaxiso who crossed from Bakool and Hiiraan.

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Marka

Warar hordhac oo haatan kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka degmada Marka Caddey ee gobolka Sh/hoose  ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa.

Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi.

Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
17 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo

waxaa soo baxaya in Mahad Salaad iyo dadkiisa ka danbeeyeen, oo Alshaydaan la adeegsaday, dhul baa laysku haystaa. Ninkaan Waa dadka meesha degenaa, dadka kalena waa dad soo guuray. Ilaahay ha u naxariistor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Under HSM, between 2012-14 the national army led by Goobaanle was used to rob land and  kill the Shabeelaha Hoose locals. These locals  had break for the last five years and became in charge most of the major districts from Marka, Qoryooley and Baraaw. 

Now the Mooraayan are back and they just began by killing the mayor of Marka Cadeey. They are unhinged . most of us didn't understand, but some of the major reasons they opposed Farmaajo was he denied their monopoly to use the army for their interest.

Laftagareen must stop these criminals before they destroy KG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

Its funny how Alshabaab have claimed publicly that they killed Waafow, but the loomaoyaans on this site are here once again displaying their open qabyaalad  accusing, attacking and insulting a whole qabiil just to score points.

But fortunately for the rest of us, these qabilisteyaal loom-oyaans have no power nor the capabilities to anything beside their online hooliganism.

WWW.CAASIMADA.NET

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dilkii maanta Marka loogu geystay guddoomiyihii degmadaas Allaha u naxariistee...

 

WALEE SOOMAALIDA QABYAALAD AYAA HALKAAS DHIGTAY

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
9 hours ago, galbeedi said:

Under HSM, between 2012-14 the national army led by Goobaanle was used to rob land and  kill the Shabeelaha Hoose locals. These locals  had break for the last five years and became in charge most of the major districts from Marka, Qoryooley and Baraaw. 

Now the Mooraayan are back and they just began by killing the mayor of Marka Cadeey. They are unhinged . most of us didn't understand, but some of the major reasons they opposed Farmaajo was he denied their monopoly to use the army for their interest.

Laftagareen must stop these criminals before they destroy KG

Waa runtaa moooryaantii Mahad Salaad camal ah ayuu dagaalo kaga xoreeyey deegaanada Shalambood, Marko iyo Lambarkonton sanadihii 2013-14.

Here asagoo marxuumka moooryaantii xilligaas runta u sheegaayo sanadkii 2014:

Jeneraal C/llaahi Waafow: ”Wacad ayaan ku marnay in aan dadkeena & deegaankeena ka difaacno moooryaanta Axmed Diiriye uu soo diray

Guddoomiyaha degmada Lambarkonton Jeneraal C/llaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan gobolka Shbabeelada Hoose hadana ay u hartay magaalada madaxda gobolka.

Waxaa Jeneralka su’aal laga weydiiyay hadal kasoo yeeray Axmed Diiriye, waxaa uu ka yiri Axmed Diiriye Shabeelada Hoose in uu isbaaro dhigto anaa u diiday Oo C/llaahi Waafoow ah.

Axmed Diiriye hala gaarsiiyo warkeyga isaga iyo beeshiisa kuma dhex noolaan doonaan dhulka beesha ***, waxaan leeyahay Axmed Diiriye waxaad Shabeelada Hoose kasoo doontid waa geeri, mana laga yaabo in laguugu aaso lafahaagana waan gubi doonaa.

Sidoo kale Jenaral Waafoow ayaa fariin adag u diray kuwa garabka u ah moooryaanta *** oo mar walbo ku dhinta gobolka iyagoo difaacaya ***. "Waan ognahay inta u kaalmeyso moooryaanta **** waana la xisaab tami doona," ayuu yiri Mr. Waafow.

Mar su’aal laga weydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay waxa loogu yeero Shabeelle State, ”Adeer waxaas hana weydiinana maxaa la yiraahdaa Shabeelle State ma wax caruurta lagu dheeliyaa."

Dhanka kale Jenaral C/llaahi Waafoow waxaa uu tilmaamay in Xasan Culusow uu qeyb ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Beesha ****, waxa uu cadeeyay Waafoow hubka lagula dagaalayo shacabka beesha **** in laga soo bixiyo baqaarada Villa Baydhabo iyo Madaxtooyada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This was expected and warned. Mahad controls NISA and his cousin Karatey is the facto leader of Alshabaab. These two will target anyone they preserve enemy and against their interest. It just beginning but there are other like Alidheere, Kaboweyne and the fight of moqdisho dominance already started.Dangerous time ahead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a full-scale terror operation facilitated by Mahad Qalaaye. The latest:

Qarax lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo

295840523_605240611166994_24505222909074

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo lagu aasay afaafka hore ee masaajidka lagu magaaco Mubashir oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo, xili laga soo baxay Salaadii Jimcaha.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur iyo dadka kale oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad gaaraya toban ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Allah u naxariiste Wasiirka dhintay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog fog, waxaana la tilmaamay in qaraxa ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo Allah u naxariiste Wasiir Sheekh Xasan Lugbuur oo la sheegay inuu ka mid ahaa Jameecadda ku Tukaneysay Masjidka oo ku yaalay meel aanan ka fogeyn hoygiisa.

Qaraxaan Maanta lagu khaarajiyay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor  Al-shabaab ay qarax Ismiisaamin ah oo ka dhacay magaalada Marka ay ku dileen gudoomiyihii degmada Marko Cabdullaahi Waafoow iyo 11 qof oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

338001881_541076864751739_69552832219109

Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10am illaa 3pm iyo dheeraad.

Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay.

Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa. Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah.

Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay.

Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah!

Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN!

- Wariye Cabdalle Axmed Muumin

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moooryaanka dadkii iska afduubanaayaa bilaa sharci. Reer Waqooyigii ugaarsanaayaa.

Yaasiin waa wiil dhalinyaro ah oo aan Muqdisho dhawr jeer aan kula kulmey oo ahaa Wiil dhawrsan oo Af gaaban.

Markii ugu dambeysey oo aan arko waxay aheyd habeenkii ugu dambeeyay ee argagaxisada qarxiyeen Hotel Makka Al Mukarama oo aan ka baxey 10 daqiiqo ka hor aniga iyo Cabdi Casiis Qanyare oo London hada ku nool kadibna waxaan tagney Coloow Tower oo bandhig ka socdey halkaas oo dabaqa nala gariirey kadibna waxaan arkey dad badan oo Argagax dartiis darbiyada inay iska daadiyaan raadinaya madaama u ekeyd in la soo galey meesha joogno.

Waxaan arkey Yaasiin oo xaaskisa oo xaamilo ah oo uu celcelinaayo oo rabta inay meel iska tuurto iyo isagoo ku dhagan oo xaalada meel adag la mareyso, kadibna Aniga iyo Qanyare oo ahaa ninka meesha i keenay ayaa la hadalney gabadhii u sheegney in aan ka bixi karno meesha ay is dajiso, dhamaanteen waxaan ka baxney Albaabka dambe juhdi dheer kadib ilaa cabaar waan la soconey kadibna waan kale tagney oo qof walbo meeshii uu rabey ayuu aadey , anaga waxaan nimid Hotel Makka Al Mukarama ka soo horjeedkeeda anigoo raadinaya saaxiibo aan 10 daqiiqo ka hor aan la fadhiyay sida Cabdi Dheeg Gurey Xaaji iyo rag kale fara badnaa , balse Cabdi Dheeg aan la hadley baa ii sheegay inay nabad qabaan oo Argagaxisada galeen dabaq kale ku dhagan Laakinse burbur iyo dhimasho jirto ..

Sheekadaan waxaan u soo qaatey markaan maqley NISA xiratey sababta waxaa loo xirey Nageeye la sawiran tahey, hada Nageeye lama haayo meel u jirto ilaa caawa , sawir hadii qof uu la galey loo qabanaayo hada Xasanoow Shiikh wuu la sawiran yahey iyo dad kale farabadan .

Xataa hadii sax tahey dambi lagu haayo ama la baarayo waxay aheyd in la marsiiyo nidaamka Dowliga iyo sharciga waxa uu qabo

Balse waxaa edeb daro ah oo beegsi iyo heyb sooc ah in maalmahaan Muqdisho ka socoto in Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo jeedo deeganada Somaliland, Soomaali galbeed iwm ama taageersana Dowladii hore la beegsado ama ka soo horjeedo Maahir iyo Boobka Damjadiid

Anagoo og dadka warkaas wado inay yihiin kuwii Caasimada Soomaaliya Muqdisho soo galey Sunday 1991 oo xataa guri iyo taariikh aan ku laheyn XamarCade balse maanta isku heysto inay dadka kale ka xigaan oo hadane Dowladii Federaalka ee sidii la ogaa lagu keenay Muqdisho oo ah bahalo galeen ah oo isbaaro dariiq walbo taalo 2000 after Carte conference.

Hada waxa lagu wado joogo waa Dowladnimada Soomaaliya cid cid kale ku xadgudbi kartana ma jirto ee Howsha socoto Baarlamaanka labadiisa Aqal , Xukumada iyo waxgaradka Soomaaliyeed waa inay hoos u fiiriyaan oo ula socdaan.

Suaasha Jawaabta u baahan waxaa weeye waryaa Argagaxiso iyo dowlad diid idinka badan .

Moooryaaneey Free Yaasiin now.

- Facebook

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooryaaanka Mahad Kawaanle still thinks saraakiisha NISA are ciidan beeleed tolkiisa leeyahay isbaaro iyo dhac walba Iska geysan karo. Granted wuxuu ka buuxiyey tolkiisa oo ciidan iyo dowladnimo waxba ka garaneynin.

He really destroyedhay'adii nabadsugidda shan sano la dhisaaye.

Screenshot-20240115164457.png

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Things are going the way we predicted just a year ago. A completely Moooryaan controlled system in both sides. Mahad one side and Karate the other side. And no one will be safe for the uncontrolled criminalities. The few thousands soldiers that was trained are gone in one year. Only Mahad clan mellessia with government uniforms are left. This is how they wanted and Hassan’s remaining time will be even worse. He will be collecting as much money as he can by signing everything to anyone who is going to pay him. Mahad and his cousin Karate will control the south and everyone will suffer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo war culus ka soo saaray xiisadda NISA iyo shirkadda Hormuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud. 

NISA ayaa shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saacado kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirtay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii. 

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda. 

Dhinaca kale, Hay’adda NISA ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda.

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan.

Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan. 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.