Sign in to follow this  
Dabxire

Somali Lyrics...well...My favorites

Recommended Posts

Dabxire   

*** Saylac***

 

(2)Qarnigii sagaalaad sagaalaad

surinkuu jaceylkani jaceylkani

soomaali kagaga yimid

sow seylac ma ahayn

 

(2)aa isku sooh melaba geed

isa sudhey kalgacalkuye

sifahoodii weeyee

 

(2)sabanadii hore hore dadku

sahal uu ku dili jirey

wuxuu soo socdaba soo socdaba

anna saaka ima helin ana saaka ima helin

*** *** *** ***

(2)saldhigii labaadee labaadee

ku sugnaadey caashaqu caashaqu

sabaadii berbera iyo

sow saaxil ma ahayn

 

(2)aa isku seegay laba ruux

ku sadqiyey cilmiba hodan

sifahoodii weeyee

 

(2)sabanadii hore horee dadku

sahal uu ku dili jirey

wuxuu soo socdaba soo socdaba

anna saaka ima helin

 

By Xasan Adan Samatar

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Sidii Geeli Hawd Jiray***

 

(2)Sidii Geeli Hawd jiray

Inanyahay Garaadkii

Kol haddii lagaa gubay

 

(2)Naftu kaa galgalatoo

waxaa jira gayaankale

Ay gacalo moodee

 

(2)Kaa Guuray aniguye

Hadan layga kaagadan

Maxaaaad iga raad gureysaaa

*** *** ***

 

(2)Dadku garasha weeyee

jacaylkii Igalay beri

mar haddii uu gaagaxay

 

(2)Geedi waxan ku ahayoo

Ay Gogoshu iitaal

Guryasamo agtoodee

 

(2)Kaa Goostay Aniguyee

Hadan layga kaagadan

Maxaaaad iga raad gureysaaa

 

*** *** ***

(2)Berya Hadalka gunudee

Gudbisaa sideedaba

Fariin gaara qaadoo

Inantaan u Golangolay

Tii laygu guud furay

Gaarsii warkeygoo

 

(2)Waxba Adiga oon guban

aan maseyrna kaa gelin

Gobaad waxaad tiraahdaa

 

Usheeg Inay Gidaaradan

Dhaxanta iyo Guuruhu

Darteed igu garaacaan

 

By Omar Dhule The Legend of somali soul

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

*** Bukaan Socod***

 

(2)Nimanyahoow dad lama beero

mana baxo sidii geedo

~ma ogtahiin barbaarteenu

beec iyo xaraash maaha

 

(2)Naf hadaad bilaash moodeen

dhul batrool ku jira maaha

~macdan buur dusheed taala

qiimiga in badan dheere

 

(2)kaligeey hadaan booyo

hadii aan baroor diiqo

~baaqa yaa ila garan doona

waxaan ahay bukaan socod

*** *** ***

(2)Nimanyahoow bulshada eega

Qubuurahana soo booqda

~inta wiil laxaad beeley

bukaan socodka tira kooba

 

(2)waloon beeni soconeeynin

beelina wax tari mayso

~xukun baadil lagu raadshey

dhibta looga bixi maayo

 

(2)kaligeey hadaan booyo

hadii aan baroor diiqo

~baaqa yaa ila garan doona

waxaan ahay bukaan socod

*** *** ***

(2)Nimanyahoow Alle ayaa boqora

cilmi iyo awood badan leh

~Bismilaahibaa dawo ah

Booga daya kitaabkaa ah

 

(2)badrad iyo anaa xoog leh

iyo baawir lagu faano

~Bukaase iyo Namruud iyo

Illeeyn hawl ku bogan waaye

 

(2)Kaligeey hadaan Booyo

hadii aan baroor diiqo

~baaqa yaa ila garan doona

waxaan ahay bukaan socod

 

By Lafoole...The New star of somali blues

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Qareenlaay***

 

(2)Kala qaxa qarenlaay

Hadiyo jeer is qoontaay~

Qaldaneey dareenlaay

Kol is wada qaniintaay

 

(2)Jirka qaran u dumayeey

Qilaaf lagama waayaay

~Waligeed ma qanacdaay

 

(2)Haddaad kala qabweyntoo

Qabyaaladina wacantahay

~Bal qoyskiini soo hadha

Ha xukumo qabuudhaha

*** *** ***

(2)Qisaas iyo qudhgooyiyo

Qiiro iyo qamuunyaay~

Bulsho kala qoqobaneey

Danta qiil uweydaay

 

(2)Qorshihii marqaankeey

Qaadiradu lumisaay

~Gebigeed qalibaneey

 

(2)Haddaad kala qabweyntoo

Qabyaaladina wacantahay

~Bal qoyskiini soo hadha

Ha xukumo qabuudhaha

*** *** ***

(2)Qallooc iyo dhib badaneey

Nabad kuma qaboobaay~

Tii kala qalootee

Qaarba meel ku oodmaay

 

(2)Qarqar iyo xanuuniyo

Qaska tii ku madhataay

~Ummad wada qafifitaay

 

(2)Haddaad kala qabweyntoo

Qabyaaladina wacantahay

~Bal qoyskiini soo hadha

Ha xukumo qabuudhaha

By Lafoole... The New star of somali blues

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Heego***

 

(2)Hilaac baxay habeen

Hiyiguu kacshaaa

Hablahana middii

Heybad iyo qurux

Ku hagoogan baa

Ku Hogaamisee

 

(2)Anna waan hubaaa

Inaan kaa heloo

Hiyigeygi baa

Kuu heelanoo

Hankeygi baa

Ku hamuumayeee

 

(2)Heegoy hadmaad

igu hoorisaaa

Heegoy hiiftiyo

Iga bi'in haraad haraad haraad

Iga bi'i haraad iga bi'i haraad

~~Heegoy

 

*** *** ***

 

(2)Halacsiga indhaha

Lama hayn karoo

Marka Goray haldhaa

Tallaabada habsami

Hooshaariyeee

Dhaqaaqoo Hullado

 

 

(2)Anna waan hubaaa

Inaan kula hayoo

Hiyigeygi baa

Kuu heelanoo

Hankeygi baa

Ku hamuumayeee

 

(2)Huunoy adaan

kuu heesayaaa

Huunoy hiiftiyo

Iga bi'i haraad haraad haraad

Iga bi'i haraad iga bi'i haraad

~~Heegoy

By Xasan Adan Samatar a self made legend...a never fadin' star in the somali music industry...Long live mr samatar

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Naftu Doqonsanaa***

 

(2)Naftu doqon sanaa

damac waalanaa

waxay doonto beri

kudiri ogaaa

dantu ka adagaaa

durba celin ogaayeeey

 

(2)Labadeys dardaray dadka

dhibi ogaa labadays dardaray

dadka dhibi ogaaaa

 

(2)Riziq Eebbe kuu diiday

Kaa durugsanaa

Nimuu duunyo siinaayo

deeqi udhowaaa

 

(1)Taa waxaa daliil u ah

Haadka samada duuliyo

diinkuba usiman calaf

(2)Midna Caysha daayacan

aanu daal usoo marin

kama helo daleedaa

daleedaaaaa

 

(2)Sidey Diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee

Dadkaa derejaduu helay

Rabbi kaama daahine

dadaal gaari doontidee

*** *** ***

(2)Naftu doqon sanaa

damac waalanaa

Dabeylaha cirkey

hadba kugu dartaa

durdur kaa fogbey

dhar uxiro

kuu tiraahyeee

 

(2)Dahab adan lahayn kutiraa

daldalo dahabadan lahayn

kutiraaa daldalo

 

(2)Haka dayrin weligaa

Noloshaaa laderistahay

Ha udoodin abidkaa

Tu kaloo kudayashaa

 

(1)Taa waxaa daliil u ah

oo Nooga digi kara

xadiith baa kusoo degay

(2)Marun laysma garab dego

dad ma wada sinaan karo

Adduun waa isdaba maal

isdaba maaaaaaaaal

 

(2)Sidey Diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee

Dadkaa derejaduu helay

Rabbi kaama daahine

dadaal gaari doontidee

 

By Cabdinasir Macalin

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Sibiq***

 

(2)seetiyo waxbadan baan

iska jiray sinsaaree

sibiqdii intaan galay

miyaa sacaba ley tumay

 

(2)Makii sababay qeysee

cilmi sahashanaayaa

igu xiray silsilad biraa

 

(2)Waanigaan sahwiyayee

Allahayow isamabixi

Illeen wey isadataa

*** *** ***

(2)Haddii aan waxbadan siday

Caashaqa sdiisaba

ama kali isaarnaa

sahal kuma dhigaayeee

 

(2)Haysaafo caashaqu

Haygooyo seedaha

sintana hayga dhaawaco

 

(2)Waanigaan sahwiyayee

Allahayow isamabixi

Illeen wey isadataa

 

By Omar Dhule The Legend of somali soul

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Wajiyaal isxasuusta***

 

(2)sida waxyaha jiidhka yaha jiidhkaa

wadnaha iyo beerkaaa

Halbawlaha is waraabshan

U wadaagnay jacayl

 

(2)Markuu kaaga warraaqshey

Ee wadeeca ku taabtey

Inaaan kaaga wareegoo

Waaqla kaaga dhaqaaqo

 

(2)Hadii uu wakhti keenay

Nin wax saarle miyaan ahay ani

*** *** ***

 

(2)Wiyiishaa ubadkeeda ubadkeedaa

Waxa jooga adduun

Iyadawla wanaagsan

Kolka waayuhu liicsho

 

(2)Dani ay ka wadaayee

Hadii aynu isweyno

Walaac waa ku dilaayoo

Waa wareerka adduuuun

 

(2)Hadii uu wakhti keeney

Nin wax saarle miyaan ahay ani

 

By Xarago

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Tiiraanyo***

 

(2)Tiiraanyo Cudur iyo

Nimey Towfi haysaa

Illeen taah ma daayee

 

(2)Waxan tabanayaabaaan

Weli Tiigsadaayon

soo taabi waayeee

 

(2)Itaageer Allahayow

Arrinkeygan kala saar/qaad

Adaa Toosin karayeee

 

*** *** ***

(2)Turuqiyo Laxaadiyo

Tamara iyo xooggey

Jaceyl iga tanroonbaaa

 

(2)Igu tiirshay geedoo

Xarig igu xirxirayee/tigtigayoo

Waanigan Tasoobee

 

(2)Itaageer Allahayow

Arrinteydan kala saar/qaad

Adaa Toosin karayeee

 

*** *** ***

(2)Tabaalada Adduunkee

Cid/Nin kastaba utaalaa

Anigey ituruqdooo

 

(2) Tagoogaha Ijebisoo

Ka tallaabsan waayoo

waan Tiicayaayeee

 

(2)Itaageer Allahayow

Arrinteydan kala taal

Adaa Toosin karayeee

 

*** *** ***

(2)Taariikhda Dunidaa

iyadoo isdabataal

Ninba meel kutuurtee

 

(2)Aniguna Tusmeystoo

Qeyrkey Halkuu tagey

U tabaabusheysteee

 

(2)Itaageer Allahayow

Arrinteydan kala taal

Adaa Toosin karayeee

*** *** ***

By Axmed Mooge Liibaan

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Safar***

 

(2)Safar dheer Intaan tegay

Sow socaal ma keeninoon

markaan gaaray sabadii

sow suleekha dumariyoo

sahra imay cajabinooo

 

(2)Iyadoy sasaba tahay

Iyadoy sasaba tahay

sow salaanta iidhiib

sow dheer jeer kumaan celin

 

(2)Sow imay haa haaa

Hoo saluugineee sacabada

iguma qaban taan usaaqmay

awgeeed

 

*** *** *** ***

(2)Suuraddeeda wacaniyoo

Sanqaroorka jaahiyo

Sunnayaasha lagu jaray

Tinta sagalka moodee

Dhexda loogu sibig tiray

 

 

(2)Iyadoy sasaba tahay

Iyadoy sasaba tahay

sow salaanta iidhiib

soddon jeer kumaan celin

 

(2)Sow imay haa haaa

Hoo saluugineee sacabada

iguma qaban taan usaaqmay

awgeeed

 

By Cumar Nuur Cabdulle...Aabihii Heesaha Dareenka...May Allah bless His Soul (Amin)

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

Cumar Dhuule is my all time favorite singer and song writer/

 

but for the moment i have to go with this song by Cabdi Tahliil:)

 

*Hawlaahagii*

 

huqdoodaan la taahaa

hurgumadii jacaylkey

i haleeloo heegada isaaree

halbawlaha wadnaha iyo

halistii wareentee

ma ii hiilineysaa

ma ii hagar baxaysaa

ma ii huri karaysaa

waan kuu haweynoo

waan kugu hamiyayaa

 

sida hilaaciyo

hirdoogliyo

canab waqal hadheeyaay

haween ha igu noqonine

hubiyoo ila garo hagaagoo

hurdo nimaad u diidoo

kuu hiloobey baan ahay

ma ii hiilineysaa

ma ii hagar baxaysaa

ma ii huri karaysaa

waan kuu haweynoo

waan kugu hamiyayaa

 

taan haweenkiyo

hablaha kale

waa hore ka doortaay

waa tan heshiinee

hawraartiyo

haasawaha dhameynee

hagar daamiyo ciil

anna yaan la hoyanine

ma ii hiilineysaa

ma ii hagar baxaysaa

ma ii huri karaysaa

waan kuu haweynoo

waan kugu hamiyayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asalamu Alaykum! I am new here, looking for Somali to English translation of lyrics, can anyone help me out? I have a cd of what seems to be older Somali music, featuring a man and woman doing call-response lyrics, and the band consists of drums, bass, guitar, flute, saxaphones, trumpets, etc. The music is awesome! I am the director of a music ensemble and wanna cover some of these songs but knowing/understanding the lyrics would help... There used to be a Northeast African music store in the city I live in (Decatur, GA) called Iftin Entertainment Center but I can't find them any more. It sounds like the lady is singing about "Islamabad" and "Cairo" but I can't really tell.. I could email some music to anyone who might be able to help with translating the lyrics, thanks!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

http://somali-music.com/audios/2211/dhayal-looma-heese-the-best-of-mooge.html

 

dhayal looma heesee

 

Dhayal looma heese, dharaartii aan ku caashaqay

Ee aad dhibtaadiyo, igu dhalisay hawlahan

Dhulkan oo gu'gu da'ay, dhinacyadan makhaadiir

Dhanka midig badii tahay, bidixduna dhir iyo doog

Ciidan dhabaq guudud ka ah, ee dhiin lo'deniyo geeluba ku daadago

Iyo ubaxa dhaadheer, Iyo ubaxa dhaadheer

Iyo ubaxa dhaadheer, Iyo ubaxa dhaadheer

Miyaad kala dhex taagneeyd? Miyaad kala dhextaagnayd?

 

Markii aan dib kuu dayey, cadceed dhalatay waa bari

Ama dhool arrornimo, dhanka bari ka soo kacay

Naasaha dhaxdoodiyo, dooxii Hargeisiyo

Damashii ku dheerareeyd, oo wabi ku dhow yahay

Intoon kaala meel dhigay, igu dhalkisay caashaqee, markii aan ku dheehdaba

Ama dayo dhankaagaba, Ama dayo dhankaagaba, Ama dayo dhankaagaba

Sow hore uma dheeliyin? Sow horu uma dheeliyn?

 

Waxaa la isku dhaafaa, dhaxyeereey nasiibkee

Mala waanad dhaadine, Soomaalaad ka dhalatoo

Dhay lagugu koriyayoo, damal dereerka noqotayoo

Haday dumar dhig leeyihiin, amase dhaadi iyo qurux

Waa laguu dhameeyee, ana dubaxa jilaal,

Dharaarahan rafaadka ah, sida dhibica loo filo ayaad iigu, dheertoo

Waan kaa dhursugayaa, Waaban kaa dhursugayaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Huburoow

 

Hundurmeedi ooraad wal yaab lee haaytee ..

 

hufeyto kooyte haanshoo iin sheentee

 

 

Huburowdii Geeraad haartii la siiyee

 

Hadagii lee dhiman maa habartiisaa nagotee

 

 

Hadagoo Lu kooy taftey Kii hiroo

 

Hakabo ki jeeye warshee ma haaynee

 

Haa haabsadee lan jan lee ya horo lee ku rooree

 

Hiri lee huriyaaw hogoliis biraasoo hereedi jiifto

Hilaa badishoo maba liin hisaabanee …

 

Hiri lee huriyaaw hogolis biraaso hereedi jiifto

 

 

Hilaa badiishoo maba liin hisaabanee

 

Bar baarki heesa gaali horaayo

 

hoorkii lamaalaa

Bar baarki heesa gaali horaayo

 

Hoorkii lamaalaa Hogow leeytey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this