Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Rooblaawe still is at again

Recommended Posts

Waxaa na aqaanay, oo arki jirnay markii madaxweyne cusub la doorto/xusho in wasiirka koowaad uu go'goshiisa sii rarto oo shib iskaga ekaado, laakiin bahalkaan aanan xishooneynin wali useless waraaq qoroow 'xil lagu qaadaayo' ayuu wadaa. He wants to enrich himself before maalmaha yar u hartay, with the implicit support of Xasan Sheekh:

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

2022524637889611213275747.jpg

What a shameless character.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No wonder Cabdi Ismaaciil Samatar called him 'omicron' of siyaasiinta four months ago:

Prof. Cabdi Ismaaciil: Rooble wuxuu noqday Omicron oo kasii daran Farmaajo

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Senatorada dooran ee Aqalka Sare ayaa waxa uu si weyn u dhaliilay hanaanka ay ku socoto doorashada, asaga oo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay boobka doorashada.

Cabdi ayaa waxa uu Rooble ku sifeeyay shaqsi ka daray madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore loogu haystay boobka doorashada, maadama uu shaqsiyaad gaar ah u boobayo doorashada, sida uu sheegay.

“Soomaaliya waxay madaxa la gashay 4.5, sidaas ayey ku socotey. Nin madaxweyne ahaa ayaa kusoo dul degay oo damcay inuu beelaha oo dhan sameysto, ayadoo taas la yaaban yahay ayaa laga qabtay, haddana waxaa loo dhiibay Ra’iisul Wasaaraha oo asaguna ka daray,” ayuu yiri.

Prof. Cabdi Ismaaciil oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Ninkii (Rooble) wuxuu noqday kud ka guud oo qanjo u guur, wuxuuna doonayaa in uu boobo doorasho oo cid gaar uu wato u boobo. Afar dhalinyaro oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo lahayn ayuu meesha dhigtay.”

Waxa uu intaas kusii daray in shaqaalaha xafiiskas ay maamulayaan odayaasha wax dooraneysa, ayada oo kuwa aan loo meerin karin meesha laga saarayo.

“Anagoo la yaaban siyaasiyiintii Covid-19 kii Madaxtooyada laga qorsheeyay waxaa yimid mid Omicron Covid-19 oo Ra’iisul Wasaarihii wuxuu noqday Omicron,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Siyaasiyiinta reer Waqooyiga ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay sheegen in Rooble uu boob qaawan ku hayo kuraasta Somaliland, una maamulayo sida uu rabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.