Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabaha Iiga Baxay Khudbadii Uu Maxamuud Xaashi Ka Jeediyey Xafladda Sannad-Guurada 20-aad Ee KULMIYE.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxyaabaha iiga baxay Khudbadii uu Maxamuud Xaashi ka jeediyey Xafladda sannad-guurada 20- aad ee KULMIYE.

■ Inuu si iskii ah ugu laabtay Xisbiga Kulmiye oo uu muddo ka maqnaa

■Wuxuu si dhiiran u muujiyey in uu Kulmiye dhaawacay, isaguna uu dhaawac gaadhsiiyey.

■ In aanu jirin wax la isla meel dhigay oo la xidhiidha Mustaqbalka Kulmiye la xidhiidha in lagu wareejinayo iyo in kale.

■ Wuxu farriin cad oo ay geesinimo ka muuqatay u diray Wasiirro Xukuumdda ka tirsan oo ay isku deegan yihiin oo soo laabashadiisa ka sasay. Isaga oo u sheegay in aanay sheeg sheegin wixii uu xumeeyey, balse boga Wanaagiisana daalacsaan.

■ Waxa kale oo uu Farriin dadban u diray Biixi iyo Kaahin oo uu yidhi Xisbigu Dhiig cusub iyo dhoobo qaad ayuu u baahan yahay, taas oo loo turjuman karo, waa wakhtigii aad sidii Siillaanyo fursada idin siiyey aad dad kale ee aan ka mid ahay loo siiyo.

■ Waxa kale oo hadalkiisa ka dhex muuqatay siyaasi fahamsan sida loo kasbado dadka, waxaanu isu dhul dhigay Kulmiyahannadii goobta joogay.

■ Waxa hadalkiisa ka dhadhamayey nin garanaya wuxuu doonayo, oo ay ugu horreyso in damaciisa dhex marin karo Kulmiye, oo ka hor inta aan Shirweynihiisa la isla gaadhin inuu taageerayaal iyo madaxda Xisbiga oo madaxweynuhu u horreeyo inuu kasbado.

■ Waxa hadalkiisa ka muuqatay qirasho weyn oo la xidhiidhay in albaabo badan ka soo xidhmeen, ka Ururrada aan u arkayn mid uu meel ku gaadhayo, Kulmiye yahay meesha wax iyo wax la’aanba uu sal dhigan doono, damaciisa ka dhex raadin doono.

Saleebaan Xaashi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this