Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Rooble oo La Kulmay Madaxweynaha Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.
Kulankaan oo ka dhacay guriga madaxwaynaha ayay labada mas’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this