Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo U Ambabaxay Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida madaxweynihii geeriyooday dalka Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Baarlamaanku doortay.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray gudaha dalka intii talada hayay madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this