Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Midawga Musharixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulama la qaatay xubnaha midawga musharixiinta xilka madaxweynaha ee doorashadii dhawaan dalka ka dhacday.

Xasan Sheekh ayaa musharixiinta kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha dowladnimada dalka, kadib markii ay soo dhamaatay doorashadii madaxtinimada.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamuud Gelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubnaha kale ee midawga ay iskala tirsanaayeen madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha ayaa kulanka intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen howlaha dowladnimada musharixiinta.

15-kii May ayaa Xasan Sheekh Maxamuud markiisii labaad loo doortay in uu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasibadda uu xafiiska sida rasmiga ah ula wareegayo madaxweynaha cusub, xilli uu kulama kala duwan maalmihii la soo dhaafay uu ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this