Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Jawaab degdega ka soo saaray go’aankii Biden ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Jawaab degdega ka soo saaray go’aankii Biden ee Somalia

 culusow-1.jpg

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan. 

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta “ku dhowaad 500” loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn doonaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this