Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan iyo IMF oo Kulan Fogaan Aragga ah Yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo siihayaha Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay Madaxda hey’adda dhaqaalaha Aduunka (IMF),kadib doorashadii laba maalin.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in lasii wado dib u habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deyn cafinta.

Hey’adda ayaa horay u sheegtay in haddii 17 May oo maanta ku beegan  ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya hadii aan la dooran hoggaan cusub, Soomaaliya ayaa yeelatay hoggaan cusub 15-kii bisha oo la waxaa  la.doortay Madaxweyne Xasan  oo faham fiican ka haysta horumarinta dhaqaalaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this