Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda federalka, waxaana uu ahaa mid isxogwareysi ah,salaan iyo booqasho ay ugu yimaadeen madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweynayaasha 5-ta dowlad goboleed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha dowladda federalka federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii bisha waxaa uu waday kulamo kala duwan, kuwaas oo ku aadan marxaladda dalka ee xilliga kala guurka ah, waxaana lagu wadaa inuu dhowaan si toos ah uu xilka kala wareego Farmaajo.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this