Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Joe Biden oo saxiixay go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar u ogolaanaaya milateriga in ay mar kale boqolaal ka mid ah ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya la geeyo Soomaaliya.

Amarkaan ayaa ah mid meesha ka saaraaya go’aankii madaxweynihii hore Mareykanka Donald J. Trump oo lahaa go’aankii Soomaaliya looga saaray 700 askari, go’aankaas ayaa dhabar jab ku noqday howlgallada argagixiso la dirirka ee hormuudka ay u ahaayeen ciidamadii Mareykanka ka joogay Soomaaliya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ogolaaday codsi ka yimid Pentagon-ka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad ​​12 qof oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, ee xiriirka la leh kooxda argagixisada ah ee Al Qaacida, sida ay xaqiijiyeen afar sarkaal oo ka tirsan milateriga Mareykanka.

Tan iyo markii Mr. Biden uu la wareegay xafiiska, duqeymaha cirka ayaa inta badan ku koobnaa kuwa loogu talagalay in lagu difaaco ciidamada saaxiibada ah ee wajahaya khatar deg dega ah.

Mr. Biden ayaa saxiixay soo jeedinta Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin III horaantii May, sida ay saraakiishu sheegeen. Bayaan ay soo saartay, Adrienne Watson oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, ayaa lagu cadeeyey tallaabadaas, iyadoo sheegtay in ay suuragelin doonto “dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.”

Isku soo wada duuboo, go’aamada uu soo saaray Madfaxweyne Biden, ee saraakiishu ay ku sifeeyeen shuruudo aan la magacaabin, ayaa dib u soo noolayn doona hawlgal furan oo Maraykan hormuud u yahay, kaasoo lagu bartilmaameedsan doono kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Tallaabadaan ayaa ka duwan go’aankii uu sanadkii hore ciidamada Mareykanka uga saaray Afgaanistaan, iyadoo la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka lagula jiro Argagixisada.

The post DEG DEG: Joe Biden oo saxiixay go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this