Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd kulan la yeeshay Taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa uu madaxweynaha kaga dhageystay Taliye Xijaar iyo Odowaa warbixinta guud ee amniga dalka iyo weliba qorshayaasha hortebinta leh xiligaan kala guurka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay muhiimada koowaad u yahay Amniga dalka, asaga oo taliyeyaashana ku booriyay dardar-gelinta howlaha amni ee bulshada u hayaan.

Kulankaan ayaa kamid ah kulamo is-daba joog ah oo madaxweynaha cusub uu la yeelanayay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Xasan Sheekh ayaa xalay guul taariikhi ah kasoo hooyay tartankii doorashada, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, isaga oo xilka kala wareegaya Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

281539955_566455818171000_88866321781941 281430667_566456081504307_39895527427624 281399224_566456371504278_55080132420288 281480174_566456471504268_87451338350010

The post DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this