Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian, oo ka hadlayay doorashada Soomaaliya ayaa hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ka soo baxay shiinaha ayaa sidoo kale la sheegay in shiinaha ay rajaynayaan in Soomaaliya horumar iyo nabad ay gaari doonto inta uu xilka haayo, una furmi doono baal cusub, sidoo kalena shiinaha ay bilaabayaan horumar balaaran oo labada dhinac ah.
Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegtay in ay dooneyso in ay kala shaqeyso Soomaaliya beesha caalamka sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa qarandhiska iyo nabadda.
Dhanka kale madaxa qaybta afrika ee wasaaradda arimaha dibadda Wu Peng, ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka iyo sida ay Soomaalida u qabteen doorashada, isagoo sheegay in uu rajeynayo in xiriir adag uu dhexmari doono shiinaha iyo Soomaaliya.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this