Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo Ka Hadlay Doorashada Madxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy  Axmed Ali ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo markiisii labaad ku guulaystay inuu dalka hoggaamiyo, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay madaxweynaha cusub inuu la shaqeeyo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud in mar kale loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan si dhow idiinkala shaqeeyo danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka” ayuu Abiy ku yiri qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa hambalyeeyay madax kala duwan, waxaana hambalyada Abiy kusoo aadaysaa iyadoo madaxweynihii hore Farmaajo uu saaxiib dhow la ahaa dalka Itoobiya, taas badalkeeda uu jaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this