Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Five years of sleeplessness

Recommended Posts

Faysal Dhurwaa admits so:

Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri doorashadii ka dhacday Muqdisho

 

Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Mudane Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii xalay ka dhacday Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada ayaa u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya ee laga adkaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa isoo jeediyey waxaa weeye shantaas sanadood waxaan ka seexan kari waayey ninkaa shandada sitay ee ciil qabaha ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.

“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay horaa laguu doortay waxaan kaa codsanayaa horta heshiisyadii aan wada galnay inaad fuliso,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay taariikh cusub ayaa helay 214 cod, halka Madaxweynihii horeyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna helay 110 cod.

Xigasho

_______________________

Farmaajo truly united the hardcore secessionists, isbaarodoons, bililiqo-ku-nools, diehard qabyaaladists and ultra corrupt - what an alliance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

As usual, Give this Faisal Dhurwaa 6 Months, he'll be insulting Pres. H.S.M and the entire HAG block. Faisal is not a politician, but a useless publicity stunt specialist & clan-baiter...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirwac, waa iska taqaanaa munaafaqaas yaah. Here is what Feysal Dhurwaa ka aaminsanaa Xasan Sheekh in 2015:

Inj. Faysal: Mudadii uu Talada Hayay Xasan Sheekh Soomaaliya Muranno badan ayay Gashay

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in muddadii uu Xilka hayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu muran badan geliyay dalka.

Inj. Faysal ayaa Tilmaamay in khilaafyo badan uu ka jiro Maamul-goboleedyada Dalka ka jira, isagoo xusay in arrintaas ay caqabad ku tahay inay horay u socoto Dowladda Soomaaliya. Isagoo eedda murankan taagan dusha ka saaran Xasan Sh. Maxamuud.

Xasan Sheekh muran ayuu geliyay mudadii uu shaqeynayay, waxaad Aragtaa in muran ka taagan yahay; Degmooyinka Kismaayo, Cadaado iyo kuwo kale oo Soomaaliya ka mid ah, Waxaa ka socota Cadaalad-darro, Maamullo aan jirinna dadka waa lagu khasabaya dadka,” ayuu hadalkiisa ku aray Inj. Waraabe.

Sidoo kale, Inj. Faysal oo ka hadlay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ka furtay Magaalada Buuhoodle oo ay ka taliso Khaatumo ayuu Xusay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland.

“Degmada Boohoodle waa degmo yar, maamulka ma aanu gaarin, Annagana ma doonayno in dagaal lagu qaado, Prof. Cali Khaliif Galeyr in dadka dagaal lagu qaado buu rabaa, balse Xafiis yar oo Baasaboor lagu iibiyo Waxba inooma Dhibayo,” ayuu Inj. Waraabe yiri mar kale .

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa xusay in wadahadal ay kula jiraan Wax-garadka ku dhaqan Buuhoodle, isl amarkaana lagu baahin doono maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Inj. Faysal Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxmauud u dabaal-dagay Sannad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii xilka loo doortay.

Siteembar, 2015

Share this post


Link to post
Share on other sites

More from the munaafuq in 2015:

“Soomaaliya Waxa Innagaga Socda Mashruuc Weyn Oo Xasan Sheekh Inagula Dagaalamayo”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu god madoow ku riday mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana  maamulkiisu uu guul-darooyin   hagar-daamayn joogto ah ku hayo ummadda Soomaaliyeed.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale  waxa aan  suurtogelaynin ku tilmaamay heshiiska  xukuumadda  Xamar ay   la saxeexatay shirkad la sheegay inay  shiidaal ka baadhayso Soomaaliya, iyadoo   sida la sheegay heshiiskaasi ay ku jirtay meelaha shiidaalka laga baadhayo degaamo ka tirsan dhulka Somaliland.
Guddoomiyaha UCID oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu  waramayay Horn Cable TV,  waxa uu tilmaamay  in waxyaabaha uu waddo Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan soconaynin, maadaama degaamadda uu maamulkiisu ka taliyaa ku  kooban yahay magaaladda Muqdisho oo keliya, sidaas darteedna aanay jirin awood uu cid kale ugu hadli karo.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan  u arkaa inay tahay guul-darro ku timid Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, god-madow ayuu ku riday Xasan Sheekh  mustaqbalkii  yaraa, ee bidhaamayay ee arrimaha Soomaalida.  la yaabi maayo inuu ku dhaqaaqo  arrintani, laakiin wax hirgeli karra ma aha. Sababta aanay u hirgeli karina waxay tahay inta uu isagu gacanta ku hayaa haddii ay u badato waa intaa yar ee Banaadir.  Banaadir-na  dadkii lahaa ee Banaadiriyiinta ahaan  waa kuwan ururka samaystay, oo way dulman yihiin, markaa cid uu u hadli karro ninkaasi iyo maamulkiisu ma jirto. reer Garoowe ma ogolaanayaan, Somaliland-na hadalkeedaba daa. Markaa  waxay ila tahay uun waa guuldaradaa uu waddo, maamul xumaanta uu waddo iyo hunguri weynaantaa uu waddo, ayuun bay ka mid tahay."

Eng. Faysal, ayaa intaasi raaciyay in dhawr jeer oo hore in  dawladda Xamar ay sidan oo kale samayso, hase yeeshee xiligii uu ina C/rashiid Raysal wasaaraha ka ahaa ay tani oo kale dhacday, balse ay tallaabadaasi ku gacan saydheen baarlamaanku, isagoo rejo ka muujiyey in tanina aanay baarlamaanku aqbali doonin.

“Arrintani oo kale hore ayay u timid xiligii uu raysal wasaaraha ahaa in C/rashiid, baarlamaanku waa kii diiday. Maantana waxay ila tahay in aanu baarlamaanku waxan ogolaan doonin. Khayraadku dadka Soomaalida oo dhan ayuu ka wadda dhexeeyaa, ama ha noqoto Jabuuti,  NFD (Soomaalida Kenya),  wixii Soomaaliya leedahay  way wada leedahay, waa kala dawladdo laakiin waa isku dad” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Faysal Cali Waraabe,  waxa kale oo  uu sheegay  in Qasdigii ay   dawladaha caalamku   aqoonsiga buuxa ku  siiyeen  Soomaaliya  ee ku meel-gaadhnimadda lagaga saaray uu ahaa mid looga dan lahaa in lagu bili-liqaysto  khayraadka iyo dhaqaalaha umadda Soomaaliya.
 
Waxaanu  yidhi “Marka hore waxaan doonayaa in aan idiin sheego Qasdigii beesha caalamku ka lahayd in laga saarro dawladda Soomaaliya ku meel-gaadhnimada ee loogu yidhi waxaad tihiin dawlad rasmi ah, muraadka u weyn ee laga lahaa wuxuu ahaa in la bili-liqaysto, oo dawlad aan jirin inta la sameeyo oo lagu yidhaahdo waa lagu ictiraafay, ka dibna wixii laga rabbo laga saxeexdo.

Markaa qorshahaasi ayaa ka koow ka  ahaa, wax lala yaabana ma aha, oo waa tii shirkadii Ingiriiska ahayd ee ka horaysayba la siiyay, Xasan Sheekh   oo aynu ognahay in aanu xataa Xallane (dugsi tababar ciidan oo Xamar ku yaalla)  waxa ka socda ogayn in uu waxyaabahan galo waa mid lala yaabo. Waxan kolba White house-ka  (aqalka cad ee looga talliyo Maraykanka) loo gaynayo iyo ten street, ee Raysal-wasaareyaasha iyo aduunka loo gaynayo, ee kolba la leeyahay waxaa laguu samaynayaa New deal, New Compact iyo waxaa la sheeg-sheegayaa waa riwaayad la doonayo in umadda Soomaalidda khayraadkooda iyo dhaqaaleheeda lagu bili-liqaysto”.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

The thing is mm hassan sheikh isn’t a friend of somaliland  that’s what’s Faisal is saying he to will try to undermine us but he is always better then farmaajo who is and was an open enemy on alll accounts 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo played hardball with Somaliland. He tried to block Somaliland from the region, he bendover for Abiy Ahmed to try to achieve it.

Farmaajo started trying to isolate Somaliland but in the end isolated himself.  Case in point,  in 2021 Djibouti's President invited Ethiopia's Prime Minister, Kenya's President, South Sudan's President, many representatives from the IC. And also invited Somaliland's President. Farmaajo was not invited. 

In the end, Somaliland has the strongest relationship with its neighbours from Djibouti, Kenya and Ethiopia, than ever before.

image.png.7279a19732263f239531e794c03829bf.png

 

image.png.7bf9f09d9816b4d41bccdc5e64f6f6d0.png

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.