Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo Bandow Lagu Soo Rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliiska dowladda federalka Soomaaliya ayaa Bandow kusoo rogay magaalada Muqdisho, kaas oo caawa bilaaban doona, sida uu sheegay taliska, waxaana la joojiyey isku sodka dadka iyo gaadiiska caasimadda, xilli barri Teendhada Afisyooni ay ka dhacayso doorasha madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka.

Afahayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Bandowga lasoo rogay uu bilaabanayo 9:00 pm ee caawa, waxaana uu xusay in la joojiyey isku socodka dadka, taas oo looga golleeyahay sugidda amniga, waxaana uu ugu baaqay shacabka wixii deg deg ah ay lasoo xariiraan Numbarka ciidanka 991.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wato ayaa ugu baaqay shacabka in lala shaqeeyo ciidanka, qof walibana uu adeegto ka hor inta aysan bilaaban bandowga, waxaana intaas ku daray in dib bandowga loo qaadi doono 6:00 subaxnimo maalinimo Isniin ah taariikhdu ay ku beegan tahay 16-ka bisha maalin ka dib doorashada madaxweynaha dalka.

Bandowga lagu soo rogay caasimadda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo barri Muqdisho lagu dooran doono, madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaana doorashada ka qeyb galaya marti kale duwan oo lagu casuumay iyo sidookale madaxweynayaasha maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda dhexe.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this