Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka baarlamanka oo kulan xasaasi ah la yeeshay ATMIS kahor doorashada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxa ay kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen Gudigga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabadoon.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka May 2022 oo ay innaga xigto wax ka yar 48 saacadood, taas oo ka dhici doonta Teendhada ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 9:00 fiidnimo ee caawa bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ku ekaan doono aroorta hore ee Isniinta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, isla-markaana ay dul qaataan inta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta Soomaalida kuwaas oo doonayo inay qeyb ka noqdaan hoggaamiyaha cusub ee loo dooran doono Soomaaliya.

Waxaa is diiwaan geliyey illaa 39 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan musharixiin qaar oo la sheegay inay tanaasuleen.
Aadan-Madoobe-iyo-Cabdi-Xaashi.jpeg?resi 279877590_317795317197777_41307704846413 280140937_317795427197766_79931607544545 Cabdi-Xaashi.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Aadan-Madoobe-4.jpeg?resize=696%2C520&ss 280666453_317795337197775_72229397386647 280519877_317795487197760_60796826070063 280193105_317795407197768_59139301896441 280246921_317795633864412_58214934554558 280108728_317795577197751_50107766474809 Farxaan-Qaroole-1.jpeg?resize=696%2C583& 280567514_317795690531073_82686947340807 XIjaar.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Geelle.jpeg?resize=696%2C547&ssl=1 280562557_317795797197729_27107592251343 279964014_317795757197733_85891797357026

The post Guddoonka baarlamanka oo kulan xasaasi ah la yeeshay ATMIS kahor doorashada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this