Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Karaash, the new leader in Garoowe

Recommended Posts

Deni ma ogolaan doonaa tan? Karaash posted on his Facebook page this wargelin:

BAYAAMIN IYO WARGALIN.

Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo

Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;

“Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin”

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Wabillaahi Towfiiq.

=DHAMMAAD=

Share this post

Link to post
Share on other sites

Already meeting golahiisa wasiirada maanta:

Waxaan maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada oo aan uga hadalnay Amniga guud, xaalada Dekeda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.

278580306_468338345083254_75120643266456

Share this post

Link to post
Share on other sites

Maxaa loo fasiran karaa tallaabada uu qaaday Karaash

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay saqdii dhexe soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay, maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.

Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobo Dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq Dastuuri ah,maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka?

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.

“Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuusan xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fasireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay hadalka madaxweyne ku xigeenka, maaddaama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaasna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka.

Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilligaas madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi.

“Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad wasiirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dalka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay.” Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisa.

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This Cabdilahi Demi guy has some nerve to think he can send decrees and other orders from his hotel in Mogadishu. 
 
ma waxa uu u makeryey dukaan uu isagu leeyahay?.

He think his Aaran Jaan goons would run Puntland while he is out indefinitely 

Share this post

Link to post
Share on other sites

Deni did a reshuffle just few days ago, adding and removing few key people from his administration. 

If this announcement by Ahmed Karaash is true, then we will expect some changes to Deni's setup. Otherwise, it is just a make-believe announcement that has no bearing on the real running of Deni's administration. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

You guys are reading too much into nothing. Karaash is just confirming powers he already had under Puntland constitution. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Khaadimka gurigaaga ka shaqeeya hadaad dhoofayso waa la ixtiraamaa waxaa la siiyaa mushaarkiisa waxaana loo sheegaa inaad dhoofayso asna uu guriga sii ilaaliyo intaad kasoo noqonayso.

Laakiin wax horay u dhacay ma'ahan telefishinka ka fiirso meeshaan aadayo wasiirka maaliyaddana la xiriir hadaad su'aal qabto.

Axmad karaash waxba uma arkaan wazan ama culays laga baqo ma lahan, waa ushaada ninkaad ka qaadan karti yaa loo dhiibtaa 

Tolkiis snm buu raacay waa kaligiis iyo xoogaa kale oo ayaguna shaqaale ah.

Waxaan kula talin lahaa hadii xoogaa loo soo diro buuqa ka dib, inuu is dejiyo hadaan loo soo dirina uusan saxankiisa iska ciidayn.

Dr.Deni madaxtinimo xamar uma raadsan wuxuu sheegay inuu u aaday kaliya inuu usc farmaajo la tuuro, ka dibna puntland kusoo noqon doono.

Usc farmaajo oo ugu jilicsan reer gedo iskama celin karto ayagoo isku duuban waa xaqiiq arintaasu.

Puntland nuur cadde alaha u naxariistee oo ugu jilicsanaa usc ayagana iskama celin karaan.

Sababtu maxay tahay marka?
Aragtidayda waa sahal 

Farmaajo qabyaalad ma aaminsana, adeerkii siyaad barrena sidaasuu ahaa asaguna soomaalidu dhimashadiisii ka dib bay garteen.

Cid wax jale ku dari karta miyaa jirta arintaas?

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
1 hour ago, gooni said:

War 10kii bari ee Ramadan baa lagu jiraa orod oo Allah cafis ka dalbo hadii aad ka mid ahayd kuwii baadiyaha kasoo orday ee garaadada lagu taxay ama schoolarship uusan xaq ulahayn loodiray. Adigu danbi uu Siyaad Barre ama Farmaajo lahaana kama qaadi kartid, mid aysan lahayna masaarikartid ee taada uun utaag hay. Waxba kuu tari mayso dad la ogyahay taariikhdooda inaad halkaan burcad korka nooga mariso.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   
56 minutes ago, Samafal said:

Walaale
Bisha Ramadaanka 10 hore 10 dambe iyo 10 dhexe waa isku mid waa bishii quraanka iyo dambi dhaafka allaha naga aqbalo dhamaanteen.

Waxyaabaha soonka jabiya runtu kuma jirto.

Waxaa kaliya oo aan la ogolayn munaafaqda naartana ayagaa ugu hooseeya ilaahay dhamaanteen hanaga koriyo.

Adeer Deni oo ilaa boosaaso ilaa gaalkacyo dad aan waxba galabsan dhiigooda daadinaya oo waliba cashiiradiisii ah, 10ka dambe ee ramadaan yaan ku ilaashanayaa wax soconaya ma'ahan alle u noqo oo ka istaaqfurulayso.

Farmaajo niman dhididsan oo qori iyo geel ay qashaan wato  yuu u tanaasulay waana fulay dhiig daata bad baadiyay, asaga ka ducayso hadaad xaq taqaan waxba uma dhimin reer puntland iyo somaali midna.

Tan reer baadiyanimada aniga waa ii amaan iyo wanaag aad qirayso inaan asal leeyahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
8 minutes ago, gooni said:

10 dambe iyo 10ka dambe waa isku mud ma jaamacadii adeero baa lagugu dhigay kkkk?

Share this post

Link to post
Share on other sites
3 hours ago, gooni said:

Khaadimka gurigaaga ka shaqeeya hadaad dhoofayso waa la ixtiraamaa waxaa la siiyaa mushaarkiisa waxaana loo sheegaa inaad dhoofayso asna uu guriga sii ilaaliyo intaad kasoo noqonayso.

s0237.gif s0237.gif

Odeyga ka qalee yaaqeey.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Arafaat   

Don’t focus to much on personalities and politics of personalities, the issue is that also the regions need some kind of check and balance. The regions are eager to keep a check the same on the federal government, but who is keeping a check on the regional governments? 

Share this post

Link to post
Share on other sites
1 hour ago, Arafaat said:

. The regions are eager to keep a check the same on the federal government, but who is keeping a check on the regional governments? 

Literally, no one. The regions are personal fiefdoms. Ironically, they undermine the very concept of federalism. 

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.