Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Baahane fails again

Recommended Posts

Rooblaawe Baahane baahidiisa ma dhamaato oo sal malaha.

Villa Somalia oo fashilisay qorshe uu Rooble Xamar ku keeni lahaa Bankiga Masar

274526750_385090416952220_15740066366660

Villa Somalia ayaa fashilisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku doonayay in Muqdisho looga furo Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Furitaanka bankigan cusub ayaa ujeedkiisu ahaa in meesha looga saaro SWIFT-ga Turkiga ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu isticmaalo, laguna beddelo mid Imaaraati ah. 

SWIFT waa nidaamka caalamiga ah ee isku xira Bankiyada caalamka, islamarkaana fududeeya inay lacagaha hab electronic ah isugu gudbiyaan.  

Heshiiska Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr) looga furayo Muqdisho ayaa waxaa daba-yaaqadii Febraayo saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo wakiilada Bankiga Reer Masar. 

Bangkiga Masar Dubai oo Muqdisho laga hirgeliyo waxa uu fududeyn lahaa in lacagaha ka imanaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa loogu talo-galay ololaha doorashada lasoo mariyo, maadaama Bankiga Dhexe uu maamulkiisa gacanta ugu jiro madaxweyne Farmaajo. 

Si kastaba, waxaa aakhirkii diiday ku-xigeenka guddoomiyaha bankiga iyo shan qof oo guddi ka ah bankiga, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday guddoomiyaha, waxaana arrintan ay ku timid oloel ay gashay Villa Somalia si looga hortago qorshaha Rooble. 

Villa Somalia ayaa qorshahan u aragtay qatar dhaqaale oo shaki galin karta doorashada iyo rajada uu ka leeyahay Farmaajo in dib loo doorto. 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo tagay Jabuuti, Masar iyo Imaaraadka ayaa aakhirkii diidmo kala kulmay Farmaajo oo u sheegey in ay caqli xumo tahay in xilligan bankigaas laga furo Muqdisho oo lacagaha lagu mucaaradayo ay soo maraan. 

Rooble iyo saaxiibadiis oo sidoo kale cadaadis xoogan kala kulmayay bankiyada gudaha oo arrintan diidan iyo Turkida ayaa aakhirki u muuqdey kuwa looga adkaadey isku daygooda oo malaayiin doolar oo macaash ah bil kasta ay ku faa’iidi lahaayeen.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

Not surprised with Mr Baahane, Just some Failures by Him:

1. Rooble tried to send back the 9M that UAE sent to Somalia  illegally, which was seized by Somali Gov - Failure

2. Rooble tried to switch Adan Cade Airport security Control from Nisa to Police - Failure

3. Rooble tried to take control all Security Services (Military / Police...etc) of the Country - Failure

4. Rooble tried to stop/send back Somali Forces the government sent to Beledweyne - Failure

5. His many useless "Gudi" - Failures:

- Gudi of Ministers to investigate who send forces to Beledwaye

- Gudiga Ikran Tahliil

- Gudiga Khilaafadka Dorashoyinka

- Gudiga Jubaland / Garbahayey

- Many more "Gudi"

 

  • Like 1
  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.