Che -Guevara

Rooble: Mr. Guddi

Recommended Posts

Another useless guddi that will fail as many did in the previous weeks. Ninkaan baahan ma xishoodo miyaa.

Sheeko uu ku haayaa meesha. Is he planning Reer Gedo xulashada ka reebo, especially when second venues Baraawe iyo Beledweyne already did hold culasho seats?

Yaaka yeelaayo sheekadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Personal secretary of Madoobe is leading this committee. 
Regardless of the “Guddi” Rooble  should flow the September 17 agreement and hold the election. 
While Galmudug had finished its selection, Puntland , the mother of the federation is way behind, that tells something 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nin akhayaar ah oo masuul soomaaliyeed ah yaa gudi magacaaba, nin aan dhaqan masuul lahayn gudigiisu wuxuu la mid yahay ciyaalkii kubadda bacaadka ku banadi jiray.

Gedo waxaa isku haya kenya oo wadata rooble iyo madoobe iyo federaalkii ka xoreeyay gobalka gedo rooble ka hor.

Madoobe waa daba-dhilif, kismaayo guriga kenyaatigu ku ilaaliyana ma dhaafin abidkiis, jubaland wuxuu u yaqaan guriga uu quraacda ku cuno.

Nimankaan ay gudiga ku sheegayaan waa wakhti lumis ay ugu talo galeen marin habaabinta doorashada.

Gedo waxaa kusoo duulay federaalka soomaaliya oo qabsaday, kismaayana waa xor kenya joogto ee dib gedo ha loogusoo celiyo gacanta kenya si doorasho hufan u dhacdo.... ha loo gar-naqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Rooble

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Gedo iyo tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha dalka oo guddi u xil-saaray doorashada gobolkaasi.

Axmed Buulle ayaa ka horyimid guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble ee loo saaray inay ka soo tala bixiyaan in doorasho ay ka dhici karto magaalada Garbahaarey. Guddoomiyaha ayaana ku dooday in doorashadu leedahay sadex guddi oo wada shaqeeya.

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Duddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id guddoomiyaha Gedo.

Gareed ayaa sidoo kale su’aal ka keenay doorka guddoomiyaha gudiga oo loo magacaabay Abuukaate Cumar Dhagey, maadaama uusan qayb ka aheyn guddiyada doorashooyinka.

“Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano,” ayuu raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Reer loo diray Cumar Dhagey meeshaas meel ay wax kasoo baxayaan ma aha. Cumar Dhagey dadka reer Gedo waa nin aad u neceb.”

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro kasta oo timaada doorashada Garbahaarey inuu qaadayo ra’iisul wasaaraha dalka.

Gedo ayaa waxaa ka taagan murano xoogan oo hareeyey kuraasta taalla Garbahaarey, kadib markii ay Jubbaland ku dhowaadqay in aysan doorasho ka dhici karin halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And they can't even go to Garbahaareey:

Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha (Garbahaareey)

Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas.

Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey.

“Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madax wareer siyaasadeed oo haysta Rooble

Ismariwaaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan.

Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.