Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Boobka beelaha Banaadiriga

Recommended Posts

Khadafi   

Tragic and bizarre whats happening. I fully agree with deputy minister of planning Drs Fahma Axmed Nuur. She  and other intellectualls were one of the writers of the distuurka of federalism. Its ironic know hów it was backfired and has been used. 

All somali stood stand upp against the injustice happening. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuraastii la boobay maanta dhacday:

Muqdisho: Doorashada kuraasta aqalka hoose ee reer Banaadiriga oo lasoo gabagabeeyay

2022225637813670946015362.jpg

Guddiga hirgalinta doorashada kuraasta reer Banaadiriga ayaa Muqdisho kusoo gabagabeeyay doorashada shan kursi oo ay barlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin bulshada Banaadiriga.

Xildhibaannada aqalka hoose ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxay kala yihiin, sidatan;

Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), kursiga 226. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde, kursiga 105. Maxamed Nuur Abuukar, kursiga 265. Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, kursiga 034 iyo Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji oo kusoo baxay Kursiga 084.

Kuraasta reer Banaadiriga ayaa soo gabagabowday iyadoo ay kuraasta qaarkood ka taagan yihiin cabashooyin, xilli uu guddi raysal wasaaruhu u xilsaaray ay sheegeen in ay xal ka gaareen cabashada odayaasha.

Kursiga uu muranka badan ka taagnaa, waa kursiga ay kusoo baxday Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, oo ah xaaska, madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kuraasta labo deegaan doorasho oo kala ah. Muqdisho iyo Dhuusomareeb.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadiijo Almaqsuumi iyo taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaanno noqday

274289512_4924214397667927_3330667661943

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay Doorashada kuraasta Banaadiriga oo buuq badan uu hareeyay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii musharixiinta iyo beelaha ay isku qabsadeen kuraasta lagu loolamayo.

Kursigii ugu horreeyay Banaadiriga ee lagu doortay Muqdisho waa HOP#084, waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji, taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Fahma Axmed Nuur ayaa Banaadiriga ku metashay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, kursigaan waxa uu ka baxay diiwaanka, 5 kursi ee Banaadiriga labo kamid ah waa Dumar halka saddexda kale ay yihiin Rag si loo dhammeystiro qoondada Haweenka ee 30% kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Khadiijo Maxamed Almaqsuumi, danjiraha Sooomaaliya ee Bakistaan, ayaa ku guuleysatay HOP#034, kurisgaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ku fadhiyay Xildhibaan Khaalid Macoow Cabdulqaadir.

Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#266, waxaa Baarlamaanka 10-aad ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

Culeys ka taagnaa doorashada Kuraasta Banaadiriga ayaa la xaliyey kadib markii la qanciyey odayaashii tabashada qabay taasoo keentay in guddiga doorashada uu fasaxo kuraastaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
9 hours ago, Samafal said:

Gabadhu reerka ma ahan miyaa?

Gabadhu reerka waa tahay Laakiin waxay mataleysa Galmudug. Waa bililiqo dadban.

We have teo ladies who are married to Unaka and Reer Galmudug, residing in Mogadishu since 1990, rapresenting Awdal, while those from back home were sidelined. Nama matalayaan.

Waar ma haweeney hubaysan oo Muqdisho joogta ayaa mid AWdal ka timid la tartami kartaa. My sister in law who is retired was running to get a seat and did all the leg work. The day before the vote, in the middle of the night, they changed both the venue and the time. By the time she realized and showed up, the lady married to the Galmudug man, had chosen " miixisad u tanaasudhay" and the whole thing concluded within few minutes.Waa bililiqo dadban.

Man, these DAmujadiid guys has robbed us left and right. THeir wives are appointed ambassadors and members of parliamentwhile others had took over government contracts.

Wallee hassan sheikh in uu wax boobay way muuqataa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Sanadkaan waxa socdaa doorasho ma aha ee waa niman ciday rabaana soo saaraya waxii kalana reebaya. It unfortunate we sunk this low. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.