Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo shaacisay go’aan ay ka qaadatay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Ciise Maxamuud Kayd ayaa shaacisay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay joojiso wada-hadalada kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowlada federaalka ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteedna wixii hadda ka dambeeya aysan sii wadi doonin xukuumadda Hargeysa.

“Wada-hadaladu waxay soo bilaabmeen 2012-ka, ilaa hadana wax miro-dhal ah ma yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wada-halada madaama oo qolada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Waxa uu intaas kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u hayn aqoonsi, xilli dalalka caalamka ay ku cadaadinayaan Somaliland in qadiyadeeda madax-banaanida ka heshiiyan Soomaaliya.

“Wax aqoonsi ah oo dowlada Soomaaliya ay Jamhuuriyada Somaliland u haysa ma jirto, hadaba 30 sanno ayaanu madax-bannaanayn.”

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa illaa hadda helin aqoonsi, taasi oo loo aaneynayo inay ka dambeyso dowladda federaalka oo ayadu rabin in la kala gooyo dalka.

Si kastaba, Wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo soo bilowday toban sano ka hor ayaa illaa hadda laga gaadhin horumar la taaban karo, ayada oo sanadihii dambena uu gebi ahaanba istaagay.

The post SOMALILAND oo shaacisay go’aan ay ka qaadatay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this