Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka iyo Soomaaliya oo shaaciyey saddex dhinac oo ay iska kaashanayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iska kaashaanaya saddex dhinac oo ay maanta uga wada-hadleen kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay safaaradda Imaaraadka.

Kulanka ayaa dhex-maray safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan iyo wasiirka beeraha dowladda federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Qoraal ay twitter soo dhigtay safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay; in intii uu socday kulanka ay labada mas’uul ka wada-hadleen xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sida loo taageeri karo loona hormarin kara, ayaga oo isku raacay inay iska kaashadaan saddex dhinac oo kale ah:

1- Dhinaca beeraha labad dal.
2- Maal-gashiga ka dhaxeeya labada dal
3- Iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal

Kulankan ayaa qeyb ka ah Isbeddel weyn oo dardar ku socda  oo ka muuqda siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal aan wax xiriir ah la laheyn Soomaaliya tan iyo bishii April 2018.

Xilligaas ayaa sirdoonka Soomaaliya waxay garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in lagu arbushi rabay xasilloonida dalka, balse Abu Dhabi ay sheegtay inay aheyd lacag loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya ee xilligaas ay tababari jireen.

Hase yeeshee, 7-dii Janaayo, Rooble ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo uu Imaaraadka Carabta kaga raali geliyey dhacdadaas, sidoo kalena ku ballan-qaaday inuu soo celin doono lacagtaas.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday. 

The post Imaaraadka iyo Soomaaliya oo shaaciyey saddex dhinac oo ay iska kaashanayaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this