Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray DIGNIIN culus kana hadlay laba arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku soo dhaweeyeen go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay shalay ku burburiyeen, liiskii madoobaa ee xukuumadii Xasan Cali Kheyre ay ku dartay ururka ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Midowga Musharaxiinta ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid aad loogu riyaaqay, isla markaana saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qarannimada Soomaaliya.

“Waxay ahayd taariikh madow oo mugdi ah in ururka gobanimo-u-dirirka ah ee ONLF lagu asteeyo argagixisanimo, iyadoo ay Dowladda Soomaaliya ku keli noqotay qaadashada go’aankaas gurracan iyo dhiibistii muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) loogu gacan geliyay Dowladda Ethiopia, tallaabooyinkaas oo xadgudub ku ahaa xuquuqda muwaadinka, sumcadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaankaan ka soo baxay golaha Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadiisa, “Go’aanka geesinimada iyo wadaniyadda xanbaarsan oo ay qaateen waxuu saxay khaladaadkii dowladdu horay u gashay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Midowga oo mar kale digniin u diray saraakiisha ciidamada ayaa qoraalkaan ku yiri, “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidanka ee garabka ka helaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda.”

Ugu dambeyntii bayaankaan waxaa lagu soo hadal qaaday xiisada maamul ee ka taagan gobolka Hiiraan, waxuuna goluhu soo jeediyey in xal siyaasadeed Hiiraan looga baahan yahay ee olole doorasho aan lagu deyin, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayey u soo jeediyeen in shaqadiisa doorashada uu u madax banaanaado.

“Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana aha in olole doorasho loo adeegsado. Goluhu wuxuu ku boorinayaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu u madax-banaanaado maamulka, hagidda iyo dar-dargelinta doorashada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta.

272336728_10227311834518626_864683522932

 

The post Midowga Musharaxiinta oo soo saaray DIGNIIN culus kana hadlay laba arrin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this