Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo qabtay haweeneydii caruurta ka duubtay muuqaalkii shiishadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay ku eedeysan in labo caruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay siinayso shiishad, kaasi oo lagu baahiyay baraha bulshada, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in haweeneydaas u gudbin doonaan laamaha garsoorka, si loogu qaado dambigeeda.

“Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga waxaa noo suurtagashay inaan gacanta ku soo dhigno Hooyo ku takri fashay labo gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco/Shiishad – muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba,” ayuu yiri Cali Yare.

Labada caruur ah oo da’doodu lagu qisaayo afar illaa shan jir ayaa muuqaalkooda si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayadoo dadku aad uga xumaadeen in ilmo intaas le‘eg lagu barbaariyo maandooriye.

Muuqaalka ay ka duubtay haweenaydan la sheegay inay dhashay labada caruur ah ayaa waxa uu argagax galiyay bulshada Soomaaliyada, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga fal-celiyay, kana mideysnaa in sharciga la horgeeyo Hooyada ku takri fashay ubadkeeda.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka bilooyinkii dambe bilowday howl-galo ka dhan ah maandooriyaha, ayada oo sameysay goob lagu dhaqan celinayo dadka isticmaala, islamarkaana xaraysay boqolaal carruur ah oo waddooyinka caasimada ku isticmaali jiray maandooriyaha.

The post Booliska oo soo qabtay haweeneydii caruurta ka duubtay muuqaalkii shiishadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this