Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan magaalo oo Biyaha hoostooda ku yaalla+Dalalkay ku kala yaalaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan magaalo oo Biyaha hoostooda ku yaalla+Dalalkay ku kala yaalaan

.
.

Magaalooyin tira badan oo ay biyuhu qariyeen ayaa daafaha dunida laga helaa, iyaga oo qaarkood la helay qaarna weli baadi goob loogu jiro.

Iska illow khuraafaadka Atlantis. Magaalooyinkani waa kuwa ay dad badan ku noolaayeen, balse ay aaseen masiibooyinka dabiiciga ah, kor u kaca heerka badda, ama daadad ku dhuftay.

Baaritaan biyaha hoostooda lagu sameeyey oo ay iska kaashadaeen BBC iyo badmaaxiyaal baaro waxyaabaha taariikhiga ee ay biyuhu qariyeen waxay ku heleen taallooyin, burbur magaalooyin hore iyo astaamo muujinaya goobo ay dadku ku noolaayeen balse haatan biyaha ka hoos maray.

Bay’a, Talyaaniga

Bay'a
.

Waxay ahayd magaalo qadiim ah oo jirtay xilligi boqortooyadi Rumaaniyiinta.

Sida ka muuqata raadka magaaladaasi ka haray ee la helay Bay’a waxay ahayd magaalo caan ah oo leh biya kulul oo loo soo dalxiis tago, cimilo wanaagsan leh dhismayaal cajiib ahna lahayd.

Julius Caesar iyo Nero waxay magaaladan ku lahaayeen dhismayaal ay xilliyada fasaxa yimaaddaan, Boqor Harian wuxuu magaaladan uu ku dhintay sanadkii 138 AD.

Balse Nasiib darro, waxaa magaaladan gabi ahaanteedba qariyey foolkaano ka qarxay deegaanka ay magaaladaasi ku tiillay.

Magaaladaasi oo laga dhisay dhul buuraley ah oo u dhow Nepal oo folkaanuhu inta badan uu ka qarxo.

Foolkaanaha markuu qarxay kaddibna dhulki ay magaaladaasi ku fadhiday ayaa adagay waxaana ka sara maray oo qariyey biyo.

Laga soo billaabo 2002-dii, aagga biyaha ay magaaladu Bay’a ku qarsoontay maamullada maxalliga waxay u asteeyeen ineysan geli karin qof aan haysan shatiyada sahminta burburka magaalooyinka.

Thonis-Heracleion, Masar

.

Sida lagu sheegay taariikhda halyeeyadi hore, Thonis-Heracleion ayaa lagu qiimeeyey iney ahayd meeshi ugu horreysay uu geesigii giriiggga ee Heracles uu cagta ka soo dhigay dalka Masar, dad badan oo magac lehna ay booqdeen inta uusan dhicin dagaalkii Trojan.

Thonis waa magaca qadiimiga ee magaaladaasi oo ay Masaraaidu u yaqaanniin, halka Heraclein uu yahay magaca Griigga ee Heracles.

Waxayna magaaladaasi ku taalla ama laga helay cirifka Galbeed ee wabiga Nile, waxayna ahayd dakad barwaaqo ah.

Ganacsatada daafaha dunida isaga yimaaddana waxay u ahayd marin ay badeecooyinkooda ku soo geliyaan dalka Masar. Khubaradi burburka magaaladaasi helayna waxay sheegeen iney heleen in ka badan burburka 60 Maerkab iyo 700 baroosimaha maraakiibta.

Derwent, Ingiriiska

.
 

Magaalada Derwent si ula kac ah ayaa biya looga sii daayey si ay u abuuranto goob biyo badan keydiso. Magaalooyinka sida Derby, Lecister, Nottingham iyo Shefield waxay ballaarteen ama si weyn u soo caan baxeen bartamaha qarnigii 20-aad.

Tirada shacabka ku nool magaalooyinkaasi oo aad u korortayna waxaa ka dhashay baahi biyo. Marka si biyo loo helo waxaa loo baahday in la sameeyo biyo xireen ama goob biyo lagu keydiyo.

Asal ahaanna qorshaa wuxuu ahaa in la dhiso laba goobood oo biyo qabatin ah oo kala ah Howden iyo Derwent oo buuro dhexdood ku yaalla si magaalada loo badbaadiyo.

Hase yeeshee, markiba waxaa la ogaaday labada keyd oo keli ah iney magaaladu ku filneen oo loo baahan yahay keyd seddexaad.

Howsha biyo qabatinnada ama goobaha biyaha lagu keydiya waxaa la billaabay 1935-kii, snadka 1945-kii gabi ahaanba magaalada Derwent waxaa qariyey biyo (biya ayey ka hoos martay).

Villa Epecuén, Argentina

Ku dhawaad 25 sano, magaalada dalxiiska ee Villa Epecuén waxay ku tiillay biyaha hoostooda, ka hor inta ay 2009-kii dib u soo bixin.

Waxaa la aasaasay 1920-kii waxayna ku taallaa xeebta harada milixda, Epecuén, goobta bay ku taallana waxay si weyn u soo jiidatay dalxiisayaasha goobta dalxiiska ayaa soo jiidatay dalxiisayaal doonayay inay ku maydhaan biyaheeda, kuwaas oo la sheegay inay leeyihiin sifooyin bogsiin ah.Harada ayaa loo isticmaali jiray daadad iyo engejin si dabiici ah, laakiin laga bilaabo 1980-kii wax aan caadi ahayn ayaa dhacay: roob badan oo dhowr sano ah, taas oo keentay in heerka biyuhu uu bilaabo inuu kordho.

Haddaba waxaa la dhisay darbi weyn oo magaalada ka ilaaliyo fatahaadaha ku dhufan kara.

Si kastabaha ahaatee duufaan bishii November 1985-kii ku dhufatay magaaladaasi ayaa sababtay iney harada ay buux dhaafto kaddibna biya xireenka uu qarqarrada jabsado. Magaaladuna 10 mitir waxaa ka kor maray biya milix ah oo wasakheysan.

Heerka biyaha magaalada aasay ayaa marba marka ka sii dambeeya hoos u dhacay taasoo sababtay 2009-kii in magaalada Villa Epecuen dib loo helo.

.
.

Port Royal, Jamaica

Waayahan dambe, Port Royal waxay noqotay magaalo kalluumeysiga ku habboon balse qarnigi 17-aad magaaladu waxay ahayd mid magac dheer dunida ku leh.

Gaar ahanna waxay caan ku ahayd dhanka ganacsiga, xilligi uu socday ganacsiga addoonsiga.

1662-kii waxaa la diiwaan geliyey 740 qof iney magaaladaasi ku noolaayeen, inkasta oo tirakoob kale oo la sameeyey 1692-kii lagu qayaasay 6,500-10,000 oo qof.

Guriyaha ay dadkaasi ku noolaayeenna waxay ka sameysnaayeen jaajuur iyo looxaan guriyahooda oo ka koobnaa afar dabaq.

7-dii bishii June 1692-kii dakadda Royal dhulgariir xooggan iyo duufaanno wada socdo oo ku dhuftay waxay sababeen in seddex meelood meel ay magaaladu biya ka sara maraan. Iyada oo la rumerysan yahay xilligaasi iney masiibadaasi ku dhinteen 2,000 oo qof dad badanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaana suuragal ah burburka magaaladaasi oo biyaha ku hoos jira in laga helo burbruka boqollaal doon ah balse si arrimahasi loo soo ogaado waxay u baahan tahay in oggolaasho laga helo maamulka deegaankaasi gacanta ku haya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this