Sign in to follow this  
Deeq A.

Fatwa laga soo saaray dadka Muslimiinta ee jidkooda shaanbada “Tattoo” ku dhejiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Fatwa laga soo saaray dadka Muslimiinta ee jidkooda shaanbada “Tattoo” ku dhejiya

tatoo-e1643031564867.jpg

Hay’adda ugu sarreysa ee culumada Turkiga ayaa ugu baaqday Muslimiinta jidhkooda shaabbada ku dhejiya inay towbad keenaan haddii ay awoodi waayaan inay jihdkooda ka tirtiraan, sida uu sheegay wargeyska Hurriyet Daily News ee ka soo baxa dalkaTurkiga.

“Qofka shaabad ku leh jidhkiisa waa inuu iska tirtiraa haddii ay suurtagal tahay, waana inuu Ilaahay u toobad keenaa haddii ay shaabadda baabi’weydo ,” ayuu yidhi agaasimaha hay’adda Arrimaha Diinta

Sharcigan ayaa yimid ka dib markii la sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku canaantay wiil dhalinyaro ah oo ciyaara kubbadda cagta shaabadda. “Waa maxay shaabadda? Maxaad jidhkaaga sidaas ugu dhaawacaysaa? ayuu yidhi madaxweynaha , arrintaas oo sababtay in madaxweynaha uu la kulmo eedeymo badan oo la xidhiidha hadalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa xusay inay xaaraan tahay shaabadda. Tani waxay daba socotaa go’aan dawladeed oo la soo saaray bishii Sebtembar 27, 2014-kii kaas oo lagu mamnuucay nidaamka lebiska ee dugsiyada dadweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this