Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiir Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ka dagay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiir Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ka dagay Muqdisho

safiir.jpg
 U.S. Embassy Mogadishu, Somalia

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dagay Ambassador Larry André oo ah safiirka uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya bishii Abriil sanadkii hore.

Safiirka ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka “si aan u horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah in Soomaaliya noqoto dal amni ah, barwaaqo ah oo dimoqraadi ah.” ayaa la yiri qoraal lagu shaaciyay twitter-ka safaaradda.

Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Safiirka ayaa wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti tan iyo horraantii sannadkii 2017-kii.

André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this