Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay halka loo yaqaano Sarifyaraha, isla-markaana uu ka dhashay gaari NOAH ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, laakiin waxaa uu qaraxa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad fara badan.

Sidoo kale waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska degmada Howl-wadaag oo isku geedaamay goobta ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq qaybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Saraakiisha laamaha ammmaanka weli kama hadlin qaraxan, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

The post Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this