Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan nabaddoon caan ah oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo galabta ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Toogashada oo ka dhacday xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Geesey Cusmaan Cabdulle.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah kooxda dilka fulisay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, ayada oo halkaasi ay tageen ehellada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Fagax.

Ciidamada ayaa goobta uu dilka ka dhacay ka sameeyay howl-gal, kaasi lagu baadi-goobayo kooxdii dilka fulisay, illaa hadda majirto cid weli loo soo qabtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan, oo qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto Askar ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

The post Faah-faahin ku saabsan nabaddoon caan ah oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this