Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay wasiir Jamaal

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220120_180920345.jpg?resi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u jawaabay Wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maalin ka hor weerar afka ah ku qaaday Gavin Williamson oo ah xildhibaanka dooda qadiyadda Somaliland geeyay baarlamaanka UK.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya billowday weerar qaawan oo ay ku qaadayso xubnihii baarlamaanka UK ee u ololeeyay qadiyadda Somaliland, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata ka dhex abuuraysa Soomaalida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi ay maanta yeesheen golaha wasiirada Somaliland oo ay ku taageereen doodii baarlamaanka UK.

No,this actually shows your complete ignorance of the situation on the ground.
Someone disgracefully fired from his own gov’t for leaking national security info has no business meddling in the internal affairs of a sovereign nation.Supporting secession only adds insult to injury. https://t.co/Sh8t49QeDx

— Gamal M Hassan (@AmbGamal) January 19, 2022

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabay wasiir Jamaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this