Sign in to follow this  
mangalool

DABAGAL....gabay kusanaab san guurka.

Recommended Posts

asalaamu caleykum

gabaygan waxaa uu ka mid yahay gabayadii c/laahi suldaan tima cade.(r.c).. waxaana uu ka hadlayaa guurka , iyo tabaabushihiisa.......

 

 

inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,

Share this post


Link to post
Share on other sites

asc............wakan gabaygii...lol.

 

 

Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,

Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso,

Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba,

Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda,

Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka,

Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye,

Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane,

Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e,

Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo,

Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo,

Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey,

Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba,

Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye,

Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay,

Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga,

Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso,

Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye.

 

icon_razz.gif yaa salaam .Cabdilaahi Suldaan Tima cade ilaahay ha unaxariistee.

waxaan filayaa rag iyo dumarba in la ilaawayo wixii hore , marka lamarayo 2sadar ee udambeeya gabayga, khaas ahaan raga , laakiin iminka dumarkaaba wax guursada oo kharashaka bixiya.

ahahahahaha :D waa aduuun wareeray, iminka waxaaba la arkaa ayeeyo odaygeedii(awoow) usoo degaysa markii hore odaygaa soo degi jirey hada se waa safar waa siwada yeeel.odaygu waaba uu isa sii dhalaalinayaa sidii uu isagu yahay marwadaii,

dhamaanbtiinba, lol peace :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this