Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
1-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam Dagaal.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this