Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Maryooleey yaabkeeda

Recommended Posts

Maryooleey ninkaan aflagaadeynaayo maxee ismoodaan yihiin? Sacuudiga markee tagaan waxa loogu waco ma ogyihiin.

Soomaalida oo falcelin laga naxo ka bixiyey imaatinka safiirka cusub ee Sacuudiga

Safiirka-Sacuudiga-Axmed-Bin-Maxamed-Alm

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si xadgudub leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga usoo dirtay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Dad badan oo ka falceliyey arrintaas ayaa si akhlaaqda ka baxsan u weeraray safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay safiirka.

Dadka qaarkood ayaa soo dirista safiir madow ah ku qeexay ina ka dhigan tahay in Sacuudiga yasayo Soomaaliya, waa sida ay qoraalka u dhigeen’e.

Hase yeeshee dadkaas ayaa ah kuwa aan xog badan ka haysan in Sacuudiga ay ku nool yihiin dad badan oo madow dhalad ah, oo xitaa qaarkood dalkaas uga horeeyey dadka Carabta ah.

Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida.

Weerarka lagu qaaday safiirka Sacuudiga ayaa ceeb iyo magac dal ku ah umadda iyo dowladda Soomaaliyeed, waana in dowladda Soomaaliya ay cudur daar ka bixisaa arrintan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.