Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga Edrogan oo Tacsi u diray Madaxweynaha Israa’iil+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Edrogan oo Tacsi u diray Madaxweynaha Israa’iil+Sababta

 herzog.jpg

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu tacsi u diray Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog oo hooyadii ay dhawaan geeriyootay.

Erdoğan ayaa marar hore si kulul u dhaleeceeyay Israa’iil, gaar ahaan xilliyada ay socdeen colaadaha Gaza, waxaana dhowr jeer go’ay xiriirta diblomaasi ee u dhexeeya Ankara iyo Tel Aviv.

President @RTErdogan spoke by phone with President Isaac Herzog of Israel.

President Erdoğan extended his condolences to President Herzog over the passing of his mother Aura Herzog.

— Presidency of the Republic of Türkiye (@trpresidency) January 13, 2022

“Anigoo si wanaagsan u og in aanay cidna buuxin karin booska hooyo, waxaana si kal iyo laab ah kuula qeybsanayaa murugada, tacsi ayaanba kaaga wadaa qarankeyga,” ayuu Erdogan u sheegay madaxweynaha Isra’iil, sida uu baahiyay wargeyska Daily Sabah.

Erdogan ayaa mudooyinkii dambe waday dedaallo lagu hagaajinayo xiriirka Turkiga iyo Israa’iil, waxaana kulan uu dhammaadkii bishii December la yeeshay hogaamiyayaasha diinta ee Yuhuudda dalkiisa ka sheegay in xiriirka labada waddan uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka.

Aura Herzog oo dhashay madaxweyne Isaac Herzog ayaa horraantii todobaadkan geeriyootay iyadoo 97 jir ah.

 Waa tuma Aura Herzog?

Waxaa u dhaxday madaxweynihii lixaad ee Israa’iil, Chaim Herzog, waxayna dhashay madaxweynaha haatan, Isaac Herzog.

Waxa ay ku dhalatay Masar, kadib markii qoyskeeda laga soo barakiciyay magaalada Jaffa oo ay dagaalkii koobaad ee dunida gacanta ku hayeen ciidamadii Turkida.

Shahaadada koobaad ee jaamacadda ayay ka qaadatay Koonfur Afrika iyadoo baratay xisaabta iyo fisikiska, kadibna waxay sanadkii 1946 u wareegtay Israa’iil, halkaas oo ay ku biirtay xooggagii Hagana.

Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog
Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog

Sanadkii 1947 ayaa waxaa guursaday Chaim Herzog oo dhalay madaxweynaha haatan ee Israa’iil.

Intii uu socday dagaalkii koobaad ee lagu asaasay Israa’iil, waxa ay Aura ka tirsanayd sirdoonka milateriga.

Dhaawac xooggan ayaa ka soo gaaray qarax lagu weeraray Guriga Hay’adaha Qaranka ee Qudus sanadkii 1948.

Waxa ay hogaamisay hay’ado kala duwan oo ay leedahay dowladda Israa’iil iyo kuwo aan dowli ahaynba.

Aura iyo Chaim Herzog waxa ay isu dhaleen afar carruur ah oo uu kamid yahay Isaac oo hadda ah madaxweynaha Israa’iil. Walaalkii Michael waa safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this