Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Xidhiidhka Itoobiya Awgii U Diiday Kaalmo Uga Imaan Lahayd Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay diiday deeq daawo ah oo uga  lahayd Masar, sababo la xidhiidha xidhiidhka Itoobiya awgii.

Wasiirkii hore oo wareysi siiyay TV-ga BS TV ayaa sheegay in Villa Somalia ay ka codsatay Masar in ay joojiso diyaarad nuuceedu yahay C-130 oo ay u soo diri lahayd Soomaaliya si ay u soo daabusho gar gaar caafimaad oo ay ugu deeqday Jaamacada Carabta.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa dowladdiisa wuxuu khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Masar, khilaafkaas oo ku saabsan dhismaha biyo xidheenka weyn ee Korontada ay ka dhiseyso Wabiga Niilka Buluuga ah.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya iyadoo u xaglinaysa Itoobiya in ay diiday in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababaro Masar iyo in Qaahira laga siin waayo dhul ay Muqdisho ka dhisato safaarad cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay xil ka qaadistii lagu sameeyay, wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay xilka kaga qaadeen sababo la xidhiidha mowqifkiisa dhex dhexaadnimada ah ee uu ka qaatay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this