Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dhaqdhaqaaqa ka socdo Beledweyne

Recommended Posts

Sanad kadib madaxweynaha Hirshabeelle oo awood ciidan Maanta lagu geeyay magaalada Baledweyne

Waxaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee magaalada Baledweyne diyaarad uu saarana madaxweyanaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanadka ah loo diidana inuu tago Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhaweeyay madax ka tirsan maamulkiisa Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Imaashaha Cali Guudlaawe ee Baledweyne ayaa imaanaya xili saacad ka hor inta aysan soo dagin diyaarada uu saarnaa weerar madaafiic loo adeegaaday lagu qaaday garoonka diyaaradaha Baledweyne, islamarkaana uu daba socday dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoonka Hiiraan.

Ciidamo dowladda oo aad u hubeysan ayaa xalay isku fidiyay wadooyinka muhiimka ah ee gudaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo xiray dhamaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ugu dambeyn madaxweyne Guudlaawe oo mudo dhowr jeer ah la fashiliyay safar si xoog ah uu ugu imaan lahaa Baledweyne ayay maanta u hirgashay inuu si awood ah uga soo dago magaalada Baledweyne oo kala xiran dhamaanteed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo beeniyay ineysan jirin heshiisyo awood qeybsi oo Hirshabeelle horay meel u dhigatay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa si faahfaahan waxa uu uga hadlay ujeedka safarka madaxweyne Cali Guudlaawe ee ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa beeniyay iney awood ciidan ku keeneen magaalada Baledweyne madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe oo shalay gaaray Baledweyne, kadib mudo sanad ah oo lag hortaagna.

"Ma jirto wax xoog ah oo lagu keenay madaxweynaha Hirshabeelle ee waxuu ku yimid si nabad ah waxuuna u yimid dadkuu madaxweynaha u ahaa maadama Baledweyne ay tahay caasimadii labaad ee Hirshabeelle, waxuuna madaxweynaha u yimid inuu xaliyo tabasho kasto oo laga qabo Hirshabeelle, intuu joogayana mahan wax cayiman oo waa madaxweynahii deegaanka" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxuu sidoo kale beeniyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in ciidamo fara badan ay ku daadiyeen wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne, islamarkaana ay xayireen dhamaan dhaqdhaqaaqyadii isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, ganacsiga iyo Waxbarashada.

"Majirin wax ciidan ah oo lagu daadiyay magaalada oo xiray wadooyin oo magaalada caadi ayay aheyd, ciidamadana xeryadooda ayay ku jiraan oo majirto ciidamo wadooyinka taagan iyo wado xiran itabana" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale sheegay ineysan jirin heshiis horay meel loo dhigtay  oo ku aadan in Caasiamadda Hirshabeelle iyo madaxweynaha Hirshabeelle la kala qaato, isagoona tilmaamay in Caasimadda hada ay tahay jowhar looga dhaafi karo lagana soo wareejin karo.

"Majirin heshiis rasmi ah oo meel la isla dhigtay oo ah in Caasimada iyo madaxweynaha lakala qaato 4-tii sano ee hore laba madaxweyne oo reer Hiiraan ah ayaa isaga dambeysay xilka madaxweynaha, Caasimaddana Jowhar ayay taalay, hadana way sii ahaan kartaa waana laga soo wareejin karaa, balse heshiis maheyn in Caasimada iyo madaxweynaha lakala qaato" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Hadalkaan kasoo Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili shalay magaalada Baledweyne si xoog ah lagu geeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe oo mudo sanad ka badan laga hortaagna inuu tago Baledweyne, kadib markii wado kasta ay xireen ciidamo farabadan oo ka tirsan Haramcad, Gorgor, iyo kuwa Militariga gobolka Hiiraan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo Rooble kaga adkaaday loolankii Hiiraan

Farmaajo-Rooble.jpg

Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulalahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Shacabka iyo Ciidan hubeysan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradii siday Cali Guudlaawe waxaa ka horeeyey laba diyaaradood oo ciidan siday. Inta uusan Cali Guudlaawe tagin magaalada ayaa la duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, taas oo sababtay inay dib u laabato mid kamid ah diyaaradihii siday ciidanka, iyadoo ku laabatay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee illo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyey in xoog loo sheegtay duuliyihii diyaaradda oo ciidanku ay ku qasbeen inuu ku laabto Beledweyne.

Maamulka Hirshabelle qeyb kamid ah ayaa xaliyey arrintaan, kadibna diyaaraddii ayaa mar kale u kacday Beledweyne. Saraakiil hubeysan oo ay ugu magac weynaayeen General Xuud iyo Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere ayaa si weyn u diidanaa in muddo ah inuu Guudlaawe tago Beledweyne.

Xalay ayaa ugu dambeysay waxayna hanjabaad u jeediyeen dadka doonaya inay Guudlaawe xoog ku geeyaan Beledweyne, balse ciidanka ay geysay dowladda federaalka ayaa xalay la wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif illaa xerada Lama-galaay oo ah halka loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka.

Guudlaawe wuxuu in muddo ah raajicinayey inuu si nabad ah ku tago magaalada Beledweyne, wada-hadalo badan oo arrintaas laga galay ayaa guul dareystay.

Siyaasiyiinta reer Beledweyne, gaar ahaan Beesha tabashada qabta ayaa ku kala qeybsan imaatinka Cali Guudlaawe. Si walbaba Guudlaawe wuxuu Beledweyne tagay iyadoo aan la xalin tabashadii ay qabeen qeyb kamid ah reer Beledweyne.

Illo ka tirsan xafiiska Cali Guudlaawe waxay sheegeen inuu Cali weli rabo inuu si madani ah wax u xaliyo oo uu la kulmi doono bulshada iyo madaxda beelaha dagan magaalada Beledweyne.

Inta uu Beledweyne joogo Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa horay u diiday inuu shaaciyo liiska kuraasta taalla magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin magaalada. Villa Somalia waxay u muuqataa inay gaartay qeyb kamid ah ujeedooyinkii ay ka laheyd kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

Dhawaan xubno ka tirsan kooxaha ololaha ee madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Jowhar, waxay kala hadleen Cali Guudlaawe inuu soo daayo liiska kuraasta taalla Beledweyne, balse wuxuu Cali mar kale ku xiray inuu tago Beledweyne.

Kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay markaas go’aansadeen in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu geeyo magaalada Beledweyne, si uu liiska u faafiyo, iyaguna shaqo badan ay uga qabsadaan halkaas.

Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa weli si buuxda ula shaqeenaya kooxda madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidankii ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ayaa shalay qabtay shaqadoodii koowaad, kadib markii ay ku guuleysteen in Cali Guudlaawe laga dejiyo magaalada Beledweyne.

Ciidankaan oo xukuumadda Rooble ay soo jeedisay in laga soo celiyo magaalada Beledweyne ayaa lagu guul-dareystay dalabkaas, iyadoo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu arrintaas si cad u diiday.

Kooxdii ciidanka u badnaa ee diidanaa in muddo ah in Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne ayaa weli gadoodsan, waxaase jira warar sheegaya in la isku dayayo in arrintooda mar kale wada-hadal lagu xaliyo, maadaama ay ku guul-dareysteen inay Guudlaawe u diidaan Beledweyne.

Markii la eego sida ay hadda wax ku socdaan kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sareeysa arrinta mMagaalada Beledweyne.

Wafdi wasiirro ah oo ay shalay xukuumadda u dirtay magaalada Jowhar oo la kulmay Guudlaawe rabayna inay arrinta wada-hadal ka galaan oo ay kaalin ku yeeshaan ayaa natiijo la’aan ku laabanaya magaalada Muqdisho, maadaama uu Cali Guudlaawe heshiis la’aan uu tagay magaalada Beledweyne, iyadoo ay ammaankiisa sugayaan ciidankii ay xukuumadda qaadacday tagistooda magaalada Beledweyne.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another renewed isqabqabsi.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne

202238637823157743945362.jpg

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca iyo cida uu u dhaxeeyay dagaalka.

Xerada Lamagalaay waxaa ku yaala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay uu cirka isku sii shareeray khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo isku fahmi waayay hanaanka loo maamulayo doorashada 11-kursi oo ka harsan kuraasta Baledweyne taala ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaalada magaalada ayaa haatan ah wali mid cakiran maadama ciidamadii wada dagaalamay ay wali kuwada sugan yihiin gudaha xerada lamagalaay ee magaalada Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan dagaalka goordhaw ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guudlaawe wants Sanbalooshe, Goodax Barre and co. to be candidates. Dabageed wuxuu rabaa asaga loogu dambeeye kuraasta tolkiisa, kuwa aan soo sheegayna meesha ka tuuro.

Khilaaf culus oo soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle

202237637822405905570216.jpg

Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu soo kala dhex galay khilaaf culus oo salka ku haaya qaabka loo maamulayo doorashada 11 kursi oo taala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararaka la helaayo ayaa intaasi ku daraya in khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed uu ka dhashay is faham waa la xariira hab maamulka doorashada 11-ka kursi oo horay jadwalkooda loo shaaciyay, islamarkaana Maanta lagu waday in la diiwaan geliyo Musharaxiinta ku tartameysa kuraastaasi oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu doonayo in kuraasta harsan ee Baledweyne taala doorashadooda la furo, halka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu isna doonayo in kuraasta harsan qaarkood in loo xiro musharaxiin gaar ah.

Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in khilaafka labada masuul soo kala dhex galay inuu sameyn ku yeeshay guddiga doorashada Hirshabeelle oo la sheegay iney la kala safteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay haatan sheegayaan in hoolka doorashada ay xirteen ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed.

11-ka kursi ee sababay khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ayaa ah kuraas ay ku fadhiyaan shaqsiyaad miisaan sare ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo waqtigaan ciidamo farabadan ku dhex haysta gudaha magaalada Baledweyne.

Khilaafka labadaan masuul ayaa noqon kara mid saameyn adag ku yeelan kara dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 ee dalka, xili mudada loo qabtay dhameystirka doorashada ay ka harsan tahay sideed maalmood oo kaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muxuu Goodax Barre ka yiri khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi.

“Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray  “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn.”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo  haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15ka Maarso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.