Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dhaqdhaqaaqa ka socdo Beledweyne

Recommended Posts

Banaanbaxyo waa weyn oo ka bilaawday magaalada Baledweyne

202212637767012017270852.jpg

Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle ayaa ka soconaya gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo kasoo horjeeda weerar saaka ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminaayo sarkaal lagu magacaabo Korneyl Nuur Dheere.

Banaanbaxayaasha ayaa kala xiray guud ahaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo ganacsiga magaalada Baledweyne, kuwaas oo dhagaxaan iyo geedo ku dhex daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee soo gala kana baxa gudaha Baledweyne.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ay ka mid yihiin Hirshabeelle dooni meyno Cali Guudlaawe dooni meyno Dabageed dooni meyno Cali Jeyte dooni meyno iyo erayo kale oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle.

Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbaxyo noocaan oo kale ah oo looga soo horjeedo Hirshabeelle ay ka dhacaan gudaha magaalada Baledweyne, waxaa xusid mudan in shacabka reer Baledweyne gaar ahaan Beesha Xawaadle ay si weyn u diidan tahay jiritaanka maamulka Hirshabeelle tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada Beledweyn Oo Saaka Degan Iyo Dhinacyadii Dagaalamay Oo Ka Hadlay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada magaalada Beledweyn, halkaasoo shalay ku dagaalameen ciidamo taabacsan maamulka Hirshabelle iyo kuwo ka soo horjeedo oo bilihii la soo dhaafay isku uruursanayay magaalada.

Sida wararku sheegayaan, dagaalka oo ahaa mid culus waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qowlad oo qiyaastii 12km waqooyi uga beegan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah sarkaalka hogaaminayay ciidanka weerarka lagu qaaday ee ka soo horjeeda Hirshabeelle, ayaa ku goodiyay iney jawaab ka bixinayaan weerarka dhankooda lagu soo qaaday, isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo xog ku saabsan khasaaraha gaaray.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Golaha Kacdoonka Hiiraan oo Caawa gudaha u galay magaalada Baledweyne

 Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa gudaha u galeen magaalada Baledweyne ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee uu hoggaamiyo Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud oo iskaashanaya.

Ciidamadan Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa maanta gelinkii hore waxa uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle deegaanka Qawlad ee dhaca duuleedka Waqooyi bari Baledweyne.

Imaashaha ciidankan Caawa gudaha usoo galay Baledweyne ayaa kusoo beegmaysa xili ciidankii dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ee maanta kula dagaalamay deegaanka Qowlad aysan wali dib ugu soo laaban gudaha magaalada Baledweyne.

Muqaalo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa lagu arkaayay Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamadiisa oo dhex lugeynaya wadada laamiga ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Baledweyne.

Dadweyne farabadan oo taageersan ciidamadan kasoo horjeeda Hirshabeelle ee Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baledweyne.

Gabagabadii ciidankaan Caawa lagu dhex arkaayo gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxay kusoo aadeysa xili galabta guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu sheegay in magaalada Baledweyne Caawa Bandow tahay si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Baledweyne.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jenaraal Tareedishe oo ka hadlay dagaalo ka dhacay gudaha iyo duuleedka magaalada Baledweyne

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan deegaanka Qowlad ee duuleedka magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa Hirshabeelle iyo ciidamada ay hoggaamiyaan Jenaraal Xuud iyo Korneyl Nuur Dheere.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xabada lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka xili ay kusii socdeen howgalo la dhan Al-shabaab.

"Ciidanka xoogga oo ku socda howlgalo lagula dagaalamayo ayaa xabad lagu bilaabay, waxaana kasii horeysay kolanyo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sidaaso kale xabad lagu bilaabay,marka waxaan leyahay waxii siyaasad ah siyaasadu ha xaliso waxii dhaqan ahna dhaqanka ha xaliyo" ayuu yiri Jenaraal Tareedishe.

Waxuu intaasi ku daray taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad in la qaboojiyo xiisada oo uu sheegay iney hurinteeda qeyb weeyn ka qaadanayaan dadka isticmaala baraha Bulshada.

Hadalkaan kasoo yeeray Jenaraal Tareedishe ayaa imaana xili ciidamadii ay kula dagaalameen duuleedka magaalada Baledweyne ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada kooshin, kadib markii odayaasha dhaqanka ku guuleysteen heshiis hordhac ah oo xabad joojin iyo in ciidanka is horfadhiyay la kala qaado ah.

Xaalada magaalada Baledweyne saacadahii lasoo dhaafay waxay aheyd mid degan oo kasoo kabsaneysa xiisadii taagneyd ee dagaalada iyo banaanbaxyada kala xiray dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kii dhibka waday nabad uu qaatay.

Jeneral Xuud oo la keenay Muqdisho – Sidee loo soo dhoweeyey?

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday HirShabelle ayaa maanta la keenay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo ogolaaday inuu wad-hadal toos ah la galo dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Beledweyne ayaa waxaa la socday taliyaha ciidamada Lugta General Biixi oo hormuud ka ah dadaallada socda ee lagu qaboojinayo xiisadda ka aloolsan magaaladaasi, si loogu qabto doorashada Golaha Shacabka Somalia.

Generalka oo muddo ku sugnaa duleedka magaalada Beledweyen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada, waxaana garoonka ugu hortegy ciidamo iyo saraakiil loo diyaariyey inay qayb ka noqdaan soo dhoweyntiisa, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo horey uga hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, maadaama Villa Soomaaliya ay haatan dadaal xoogleh haatan galineyso xiisadda Beledweyne, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu yiri Jeneral Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda Hirshabeelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa Hirshabeelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Xuud represents his community,  he came back from overseas for issues related to his community,  he should be listened and their concerns addressed fairly 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ummad aanan bislaaneynin iyo tanaasulid la'aan maryooleey ku sheeg.

Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay inta badan wadooyinka Baledweyne

2022125637786771209791077.jpg

Ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka oo kasoo horjeeda safar la sheegay inuu maanta ku imaanayo magaalada Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xirtay wadada halbowlaha u ah isku socodka gudaha magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan ayaa ah kuwa ka amar qaata Korneyl Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee golaha Kacdoonka Hiiraan, kaasoo dhawaan shaaciyay in magaalada Baledweyne uusan imaan karin madaxweynaha Hirshabeelle ilaa laga meel marinaayo tabashada shacabka reer Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa ilaa xalay waxay gudaha magaalada ka sameynayeen dibadbaxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan safar lagu waday inuu maanta Cali Guudlaawe ku tago Baledweyne, kaasoo haatan u muuqanaya mid baaqday.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ciidamada hubeysan ee ku sugan inta badan gudaha magaalada Baledweyne, waxaana saaka markale dib u bilaawday banaanbaxyada looga soo horjeedo Hirshabeelle.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarado siday ciidamo ka tirsan Haramcad iyo Gorgor oo ka degay Garoonka Baledweyne

2022126637787653249605244.jpg

Waxaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne laba diyaaradood oo ay saarnayeen ciidamo isugu jira  Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Gorgor oo tiradooda lagu qiyaasay 100 askari.

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor kasoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya iney yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in Baledweyne ka howlgalaan, waxaana ciidamadaan goordhaw diyaaradaha keeneen la dajiyay Saldhiga Baledweyne.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa keenista ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee magaalada Baledweyne, waxaasa warar is burinaya ay sheegayaan in ciidamadan qorshahoodu yahay iney difaacaan keenista Baledweyne ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ah loo diidan yahay inuu tago Baledweyne, iyadoo warar kaleetana ay sheegayaan iney qeyb ka qaadanayaan sugida amaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baledweyne taala.

Isku soo wada duuboo dadka ku dhaqan Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya imaashaha ciidamadan tirada badan ee la sheegayo iney doonayaan iney xoog ku keenaan Baledweyne Cali Guudlaawe, iyadoo magaalada gudaheeda dhinac uga sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda in Cali Guudlaawe yimaado magaalada Baledweyne.

Dhanka kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Jenaraal Xuud wadahadaladoodii ay kusoo dhamaadeen fashil, islamarkaana ay tan soo dadajisay in ciidamada Haramcad iyo Gorgor loo soo daabulo Baledweyne si loo wiiqo awooda Kacdoonka Hiiraan ee ku aadan Hirshabeelle.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This Somal brave soldiers are dying to pacify this lawless region, yet the corrupt oligarchs in Mogadishu are making it all about politics. WE are sitting in our comfortable couches yet this boys are dying everyday.

A friend of man is in a mourning after his young nephew died in Galmudug yesterday. He was member of Gorgor unit trained by the Turks. He was martyred in Galmudug by Al-shabaab affiliated group.

May Allah have a mercy on him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

He was born in Lughaya region, went to school in Borama, then went to Mogadishu for job opportunity. He passed the Turkish exam , taken to Sparta, Turkey for training as member of Gorgor and was martyred in Galmudug fighting Al-shabaab.

Markaas bay ku odhanayaan ciidanka qaranku waa reer hebel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.