Che -Guevara

Hussein Aidid /Musa Sudi Interviews

Recommended Posts

Xuseen Caydiid: Farmaajo dagaal wax loogama qaadayo

Siyaasiga Xuseen Faarax Caydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay.

Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas.

Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis.

“Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay adduunweynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, “Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

“Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri.

Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, “Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen.

Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha.

“Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, “Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa.

Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, “Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

s0237.gif s0237.gif s0237.gif arrow_down_small.png

Xasan Daahir: “Farmaajo iyo Xuseen Caydiid waxay u maree 30 sano ka hor

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka falceliyey wareysi uu dhawaan bixiyey Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo sheegay in Farmaajo aan lala dagaali karin oo xabad uusan ridin ka Xuseen ahaan aysan Muqdisho ka dhici karin.

Xasan Daahir ayaa sheegay inuu dhageystay wareysigaas, isla markaana ay u soo baxday in Xuseen Ceydiid uu soo maraayo meel mar hore lasoo dhaafay, sidoo kale Farmaajo ayuu ku tilmaamay nin lamid ah Xuseen Ceydiid oo aan is biday awood uusan laheyn.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in mar lagu sirmay Xuseen Caydiid oo loo maleynayey inuu leeyahay kartidii Aabihiis oo kale, balse hadda ay u joogto halkii la maraayey waayihii lagu sirmay.

“Waxaan is dhahay Xuseen meel uu siyaasadda ka soo galo ayuu raadinayaa, markaasuu ka hadlay meel 30 sano ka hor laga soo tegay, laakiin dadku dadkii maaha oo waqtigu waqtigii maaha,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa beesha **** uga mahad celiyey inay iska aamusiyeen dadkii la midka ahaa Xuseen Ceydiid oo uu ka carabaabay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle, “Walow aad hoosta ku heysataan Shariif oo diintii inta calaanjiyey tufay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Daahir oo la hadlay Farmaajo ayaa sheegay in awood aan jirin ay maskada uga jirto, isagoo u fekeraya sidii uu u fekeri jiray Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Xasan Daahir.

“Waxaan la hadlayaa Farmaajo, madaxa waxaa kaaga qunfulan caqliyadii Maxamed Siyaad Barre oo kale, adiga ina Ceydiid isku mid ayaa tihiin, waxaad ku fekeree in caqliyadii Maxamed Siyaad oo kale aad hir-geliso, taasina hadda suurta gal maaha,” ayuu yiri.

Xasan Daahir ayaa Farmaajo ku dhaliilay sababta uu ula dagaalayo Ra’iisul wasaare Rooble oo isagu uu keensaday markii hore, isagoo sheegay in dadka hadii aan laga xishoon si kasta oo ay u qabowyihiin ay ugu dambeyntii qarxayaan oo wax kasta haleeyaan.

“Farmaajo ninkaan adigaa keensaday, maba aanaan aqoon anagu, sida adigaba uu Shariif kuu keensaday oo kale, marka shaqadaan adigaa ku wareejiyey, isagaana masuul ka ah ee ka leexo, maxaad u qashqashaadeysaa? Waaba nin iska dabacsane” ayuu yiri Xasan Daahir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Sawtaan hore u nidhi, idaacada afgembi ayuun baa lagula wareegi karaa.

By the way, HUseen Aideed is from traditional ruling Somali family. His dad was an officer and leader, so the son knows few things about government while Rooble is related to Qaybdiid and others who have bad history all the way back.

Farmaajo muxuu balaayo soo urursaday. He doesn't even have someone to check the background of his appointees. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.