Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Is madaxweynaha trusting Eritrean-trained troops?

Recommended Posts

8 hours ago, gooni said:

Su'aal muhiim ah yaa mudan in la is waydiiyo.
Maxay soomaali badan ku taageertay farmaajo?

Aragtidayda waa fulaynimada.
Soomaalidu maysan arag nin fulay ah sodonkii sano ee lasoo dhaafay oo dulqaad iyo sabur  badan.

In badan bay wiil geesi ah oo wuxuu ku dhintay aysan aqoon god geeyeen, waxaa u yimid nin ka duwan raggii ay yaqaaneen.

Sida aan wada ognahay waa madaxweynihii ugu horeeyay oo lagu sheegay dictator asagoo kor u taagay warqad ay ku qoran tahay qof iyo cod, sawirkii aabe siyaadna ku badelay aadan cadde.

Farmaajo waxaa laga rabaa kaliya inuu digsiga daboolka ka qaado oo na tuso wuxuu karinayay shantii sano oo lasoo dhaafay.

Usc mu'addin masjid hadaad raysul-wasaare ka dhigto gacanta bidix tusbax buu ku qabsan, tan midigna dhul boob iyo dhaqaale xaaraan ah yuu ku raadin, waa jaamacadda kaliya oo ay ka qalin jabiyeen sodonkii sano ee lasoo dhaafay.

Nimankaan haday ciidanka qaranka aad noogu sheegteen ka awood badan yihiin ama isla ayagii yihiin, ha na daalina ee u daa nimanku dhulkooda ha dhisteene.

Hadaad dhiig in la daadiyo diido lagama yaabo ama waa calaacal timo kasoo baxeen in kala dambayn la helo.

Diinta aan ku ducaysano dhiig baa usoo daatay baryo kuma imaan.

Walaale farmaajo digsiga daboolka ka qaad aan dhadhimino waxaad karisay, anagoo qurux badan yaan qaxnay 90kii maanta oo aanan dhar haysan waxaad ka baqdaa meesha ma yaalaan, hadaad hal xIniin ah leedahayna umadda qudbad dheer u akhri iskana tag.

Mashaallah , Gooni, talo wanaagsan baad  Farmaajo u dirtay, but unfortunately for you this is Useless Farmaajo we are talking about here…waa hore ayaan ku iri, odeygu bar caaqiba ma leh.😁

Share this post

Link to post
Share on other sites
Duufaan   
3 hours ago, Tillamook said:

Mashaallah , Gooni, talo wanaagsan baad  Farmaajo u dirtay, but unfortunately for you this is Useless Farmaajo we are talking about here…waa hore ayaan ku iri, odeygu bar caaqiba ma leh.😁

Tillammok

The history will charge Farmaajo and I agree Moqdisho has been the only beneficiary of his time. But you have to also agree the SSDF elites after Abdilaahe Yusuf is happy to receive the leftovers from moqdisho and does not care anything else. In fact they are willing to defend the status que. That is way people are still supporting Farmaajo, see him a better alternative.

Share this post

Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Duufaan said:

Waryaa anigu luqata garamgaramtu ku hadalsho ma fahmi karo. Marka ku laabo mar kale oo warkaaga cadee.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Duufaan   
3 minutes ago, Tillamook said:

Waryaa anigu luqata garamgaramtu ku hadalsho ma fahmi karo. Marka ku laabo mar kale oo warkaaga cadee.

Inaadan fahmayn waan ogaa.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   
16 hours ago, Tillamook said:

Mashaallah , Gooni, talo wanaagsan baad  Farmaajo u dirtay, but unfortunately for you this is Useless Farmaajo we are talking about here…waa hore ayaan ku iri, odeygu bar caaqiba ma leh.😁

Tolmooge
Farmaajo nin caqli xun ma'ahan wuu ogyahay in beesha uu ka dhashay ay dumar u badan yihiin 70% waxna u tari karin aduun iyo aakhiro midnaba, inay masayr dartiis gabasaarka ku hor tuuraan mooyee, bal dhaqanka adeerkaa deni u fiirso.

Caqliga fulaynimada, doqonimada isku mid maaha adeer, midba sanduuq gaara buu leeyahay sidaa ula soco.

20 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Gooni, Farmaajo yaa hoosta kala taliyo? Mar mar waxaa isdhahaa lataliye xeer dheer la'aan maa heyso maadaama deg degiisa go'aamada ah mar mar yaab leeyihiin.

Miskiin 
Taas waan kaaga ra'yi duwanahay la-taliye degdeg badan wuu u baahan yahay go'aamadiisu aad bay u daahaan, xaqiiqdii wadankana wuxaa ka muuqda madax-salaax badan, wiilasheenu qaanuunka way ka sareeyaan m0oryaankuna waa jeneral, tuuguna waa sheekh.

Farmaajo haduusan dadka xun wadanka ka qaban, waxaa imaanaysa inay barkintiisa ku xaajoodaan sida hadda muuqata.

Mucaaradku waa isku beel xoog ma hayaan waana la nacay siday dadka been ula hortaagnaayeen, waa buufin biyo ku jiraan, Afkoodu xusbullah ma noqon karo.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Abdi90   

Farmaajo asaga balayo raadsaday, soo ma eryin miskiinki Xassan Kheyre maalinti ku xigtay markii uu yiri "waqti kordhis majireyso, doorashada waqtigeeda ayaye dhaceysa". Farmaajo tuug doorashada la laqdabeeyo ayuu uu doortay Rooble wuxuna rooble noqday balaayo asaga ka daran.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   
20 hours ago, Abdi90 said:

Farmaajo asaga balayo raadsaday, soo ma eryin miskiinki Xassan Kheyre maalinti ku xigtay markii uu yiri "waqti kordhis majireyso, doorashada waqtigeeda ayaye dhaceysa". Farmaajo tuug doorashada la laqdabeeyo ayuu uu doortay Rooble wuxuna rooble noqday balaayo asaga ka daran.

Abdi 

Waa aragtidaada waana in la ixtiraamaa qof kasta ra'yigiisa cidna kuma oran karto sax ma'ahan.

Aragtidayda khayre... iibiye wayn buu ahaa ama waxa afka qalaad lagu dhaho (salesman) dhul, bad iyo batrool intaba waraaqahoodii way hor yaaleen.

Doorasho qof iyo cod ahna asagaa miiska hoostiisa dhigtay sadex sano.

Hal mar buu wadanka fowda geliyay asagoo waxa qudhiisa ku imaan kara aan garanayn, wuxuu ahaa traitor mujrim ah.

Rooble gaajo iyo guri la'aan baa meesha keentay nin xun ma'aha qof kastaa madaxiisa badeli kara, si wax loo xado ma yaqaan waa daacad tuugo u gacan galay.

Waxaana ku tusaale kuugu filan markii laga furfuri waayay 30 jir 30 malyan haysta, war ninkaan soomaali oo dhan baa taqaane isaga fagow, xoolo barakacayaal baa ku maqan, nin wadaad u eg beesha ka dhex raadso.

Waligiis lama fahmeen haduu gacantiisa bidix tusbaxa ku haysto tan midigna wax ku xado.

Sadexdii biloodba waji aan doorashadii ahayn buu la imaan ama dhul la boobay ama wax la kala badelay iyo iska daba wareeg.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.