Sign in to follow this  
BIG_BOY

ragoow kibir waa lagu jabaa

Recommended Posts

BIG_BOY   

Ninkastoo kalaho ama kabtiyo, ama kur dheer fuulo

Bad kalluun ku jira kulay ku tahay, amase kooobshaaha

Kulligood addoomaha Rabow, qaybshey kibistiiye

Nin waliba wixii loo katibay, waa la kulansiine

Ninna inaanu soo kororsanayn, kaa ha la ogaado

Kufri iyo Islaan loo collow, kaysihii hore e

Kaakici wadaadkii jihaad, laguna kaalmeeye

Kumanyaal lag wada duub cad buu, keenay Beerdhigae

Waxse kadabki go'ay maalintuu, kaday raggiisiiye

Kabaalkiina wuxuu jabay markuu, kariyey ReerKhayre

Ragow kibirka waa lgu kufaaa, kaa ha la ogaado!

Annaa dunida keligay leh buu, Koofil eersadaye

Kashiisaba ma gelin wiil yar baa, keebka kuuqabane

Raggow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Kaysaha adduun Ina Ammaan, kama qaraacayne

Ragba keeno geli buu is yiri, waw koraysaaye

Isba kii asraa'iilay ma hadin, kamana yaabayne

Raggow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Ninka koob nimca fiiqsadee, kadin irmaan maalay

In karruurka uu qubo horay, kaafka ugu tiile

Kuligoodba Reer Hagar anaa, kiinahaa dilaye

Kama'a Sugule maantii sidii, kuray carruureede

Ficil baa kacshaye naagta way, kala fogaayeen

Raggow kubirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Kuwii Muxumud Waal raray hadduu, saanta uga kaadsho

Kulcad uma diloon oo ciyoon, koor ma geliyeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Afxakame karkabaddii u ay, iyo kulaylkiiye

ka danbee Caluu yiri intuu, Kaaha guursadaye

Kii kalena kaal weyn u tumay, karina waabeeye

Kalluun shebeg u yaal buu ahaa, kicina Shaydaane

Raggow kibirka waa lgu kufaa, kaa ha la ogaado!

Kelyo caana galeen baa ninkii, kiciyey dheeraaye

Cartan dhuurta kooraha markuu, kor ugu laalaayey

Garaad Faarax dhey iyo karuur, kala macaanaaye

Misna kala kharaaraa dhunkaal, kulankii goobeede

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Amuuraha ma kaadsado ninkay, kedo shidaysaaye

Kalaamkuu lahaa Ina Galaydh, kahay gadaalkiiye

kaarkuba ma joogeen hadduu, keeno tuluddiiye

Baalacal kelyaha kuma jareen, kii uu quursadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Lixda koos ee Reer Cali Garee, kow isaga siiyey

Kasi waaye wuxu waa qabaal, waadna kabataane

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

Nin kuwaa ka dhigan baan arkoon, kadab u laabnayne

Karraysaha intuu buuxsaday oo, kaman wan weynyeeshay

Yuu duul karaamiyo colba leh, kiish ka buuxsadaye

Ka shib dhaha islaamow naftii, kii ladnaa gadaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this