Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Laftagareen in Kismaayo

Recommended Posts

Laftagareen is in Kismaayo to lobby (or even partially control) who of Afmaay-speakers are nominated from Jubbooyinka iyo Gedo. Kuwii Koonfur Galbeed ku filnaan waaye, kuwaan rajo dheeraad ka leeyahay. Will Axmed Madoobe support him?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

When will they stop this useless red carpet? 

One governor visting his neihgbor region shoildn't be treated as international visit by a foreign leader. Only in Somalis. Big fish in a pound.

Ahmed Siilaanyo would visit Berbera which is two hour dtive from Hsargeisa and when he comes back to Hsrgeisa, there were 200 elders and hangers on crooks lining up at the airport.

Anyway, Mr. Laftagareen will certainly pick who is going to be the president of Somalia. He will be hand pickling almost 70 members of upper and lower hoiuse members. Unlike the other fools who bark day and night Mr.. Gareen takes care off business quitely and honorably.  That is confidence.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
9 hours ago, galbeedi said:

Anyway, Mr. Laftagareen will certainly pick who is going to be the president of Somalia. He will be hand pickling almost 70 members of upper and lower hoiuse members. Unlike the other fools who bark day and night Mr.. Gareen takes care off business quitely and honorably.  That is confidence.

Xaq ma'aha in shaqsi kaliya kuraastaas kuligood asaga iyo xulafadiisa xushaan.

Wararkii u dmabeeyey ee wada-hadallada u socdo Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe

267374982_2226296654177890_6444869578768

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan xarunta madaxtooyada waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaaa madaxweynaha Jubbaland iyo kan Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga magaaladaasi.

Kulanka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah xubno ka tirsan labada gole ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana haatan socda wada-hadallo gaar ah.

Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha ka taagan dalka, sida doorashooyinka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dowlad goboleed.

Wararka ayaa sheegaya in marka uu soo dhammaado kulanka haatan socda ay isku hari doonaan labada hoggaamiye, iyaga oo si gaar ah uga arrinsan doono xaaladaha taagan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay diiradda saari doonaan dano isaga xiran, lana xiriira kuraasta Golaha Shacabka.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta kormeeray, isaga oo u wehliyo dhiggiisa Axmed Madoobe xafiiska madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland oo lagu soo wareejiyey.

Koonfur Galbeed ayaa iyagu horay u guda gashay doorashada baarlamaanka, waxayna ku billowday illaa 11 xildhibaan, walow kuraasta qaar la hakiyey, halka Jubbaland ay shaacisay illaa 14 kursi oo dhowaan lagu dooranayo magaallo xeebeedka Kismaayo ee maamulkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

MMA,

Saaxiib, tell that to the judge. 

Mucaaradku sidaan ayagaa doortay. Xataa haddii ay ogolaan lahaayeen 4.5 xisbiyeysan oo beesha kursiga leh ay xisbiyo matali lahaayeen wax uun bay heli lahaayeen. WAx kasta oo FArmaajo soo jeediyey way diideen ayagoo ku xumaynaaya. Bal hadda haka xaaxaabttan.

No one is arguing what Dani and company are doing, but everyone is compaining about Laftagareen and Qoor Qoor.

By the way at the moment, I mean in December 2021 the math is:

Farmaajo 120

C/laahi Dani 71

Xasan Sheikh 30

Khayre.......

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe oo kasoo baxay ballantii uu horey ula galay Laftagareen

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhabeeyey ballantii ay isla galeen isaga madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), taas oo la xiriirta kala bedashada laba kursi oo kala taalla Kismaayo iyo Baydhabo.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabtay Kismaayo waxaa mid ka mid ah lagu doortay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, wuxuuna kusoo baxay kursiga HOP 126 oo uu horey ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.