Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Sacuudiyaan ah Oo Looga Shakisan Yahay Dilkii Khashoggi Oo Lagu Xidhay Magaalada Paris

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Nin Sacuudiyaan ah oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka weriye Jamal Khashoggi ayaa lagu xidhay dalka Faransiiska, sida ay booliisku sheegeen.

Khaled Aedh Alotaibi ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Charles-de-Gaulle ee magaalada Paris maanta, sida ilo booliis ah ay u sheegeen. Waxa uu ka mid yahay 26 qof oo Sucuudiyaan ah oo Turkigu uu u doondoonayo dilka wariyaha.

Ninkan oo 33-jir ah ayaa hore uga mid ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa ku socdaalayay magaciisa, waxaana la dhigay xabsi maxkamadeed sida idaacada RTL ay sheegtay.

Khashoggi, oo ah nin si weyn u dhaleeceeya dowladda Riyadh, ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar sannadkii 2018.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this