Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo soo saaray Xeer-Madaxweyne Xasaasiya oo mamnuucaya…

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weyne Muuse Biixi oo soo saaray Xeer-Madaxweyne Xasaasiya oo mamnuucaya…

 xilmb-1024x674.jpg
Xeer Madaxweyne: 08/12/2021
Wuxu u dhigan yahay Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021
Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya
Markaan Arkay: Go’aanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;
Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada);
Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan ku Qancay: In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Soo Saaray;
1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
264959786_4533893563391128_5378048570544
264721136_4533893560057795_5675707492496

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this