Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo go’aan afar qodob ah kasoo saartay ka qeyb-galka siyaasada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer dhammaan dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi looga mamnuucay ka qeyb-galka arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban illaa afar qodob.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland.

“Mas’uul, shacab, urur, Axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada ee Gole waxaa lagu qaadi doonnaa dambi ah “Khimaamo Qaran,” ayaa lagu yiri xeerka uu maanta saxiixay madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa go’aankan lagu caddeeyey in haatan wixii ka dambeeya aan la cafin doonin qof kasta oo ka qeyb-gala maamulka siyaasadeed ee Soomaaliya.

“In wixii hadda ka dambeeya aanay cafis lahayn qofkii ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya, balse loo gudbin doono Maxkamadda Awoodda u leh in ay xukun ku riddo,” ayuu lagu yiri.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu ay tahay Lr. 16/122021 kasoo saaray mamnuucidda ka qeyb-Qaadashada  siyaasadda Soomaaliya.

Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka  Somaliland ayuu soo saaray.

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

1-2.jpg264721136_4533893560057795_5675707492496

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Somaliland oo go’aan afar qodob ah kasoo saartay ka qeyb-galka siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this