Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin Guddiga FEIT Ka Tirsan Oo Ka Horyimid Go’aanka Dib Loogu Noqonayo Doorashada HOP#154 iyo HOP103

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ee FEIT ayaa ka soo horjeestay go’aanka guddiga FEIT ay dib ugu celiyeen doorashada laba kursi oo dhawaan lagu doortay Baydhabo.

Wakiilka doorashada koonfur galbeed ee guddiga FEIT Yuusuf Maxamed Khayr ayaa sheegay in aysan sax aheyn ku noqoshada doorashada kuraasta HOP#154 iyo HOP#103 taas oo uu ku tilmaamay in lagu qancinayo shaqsiyaad gaar ah.

Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo”. ayuu yiri Yuusuf.

Guddiga FEIT ayaa shalay gelinkii dambe ku dhawaqay in labadaas kursi aan loo marin habraaci sharciga ahaa sidaa darteed dib loogu noqonayo doorashadooda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa dhankiisa soo dhawayay  go’aanka dib loogu noqonayo doorashada kuraastaas.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this