Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka FEIT ee Koonfur Galbeed oo ka horyimid go’aankii guddiga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow) oo ah xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka ee heer federaal, isla-markaana guddiga wakiil uga ahaa doorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa ka horyimid go’aankii shalay kasoo baxay guddiga ee lagu baabi’iyey natiijada kuraasta HOP154 iyo HOP103 oo cabasho xoogan ay ka timid.

Guurow ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo ka socda guddiga doorashada ay goobjoog ahaayeen doorashada kuraastaas, kana soo horjeedo hakinta lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax talo ah uusan ku laheyn go’aanka soo baxay, maadaama uu isagu ahaa wakiilka FEIT ee doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Dadka waala qaybshay oo qoloba meel ayaa loo diray, aniga waxa aan hoggaamiye u ahaa Guddiga FEIT ee Koofur Galbeed loo diray, waxa aan goobjoog Doorashada uga ahayn 19 xubnood oo kala ah 4-xubnood oo FEIT ah, 4 ka socotay Guddiga xalinta & 11 kale oo SIET Koofur Galbeed ah,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow).

Waxa kale oo uu intaasi kusi daray in go’aankan ay u arko mid lagu qancinayo shaqsi gaar ah, isla-markaana laga heelay dano kale oo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigau.

“Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada kursiga HOP154 oo uu ku soo baxay Maxamed Cabdalla & HOP103 oo loo doortay Maxamed Xasan Cali, balse uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Wakiilka FEIT ee Koonfur Galbeed oo ka horyimid go’aankii guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this