Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Rooble oo ka jawaabay go’aankii lagu laalay labada kursi, soona saaray 9 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal, kaas oo dib u celiyay qaar ka mid ah kuraastii Golaha Shacabka ee doorashadooda aan loo marin habraacii saxda ahaa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.

“Si loo saxo arrimaha laga cawday oo ay ka mid yihiin hoggaaminta doorashooyinka, madax-banaanida guddiyada doorashooyinka iyo ku dhaqanka habraacyada doorashada, ra’iisul wasaaruhu waxuu cadeynayaa in hoggaaminta mas’uuliyadda doorashooyinka ay leeyihiin golaha wadatashiga qaranka ee isagu uu hoggaamiyo, sidaas darteed goluhu waxa uu balan qaadayaa madax-banaanida guddiyada doorashooyinka oo masuul ka ah hir-gelinta heshiisyadii siyaasadeed oo hagaya doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu magacaabi dooni wakiillo u qaabilsanaa doona in si joogto ah ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada doorashada, kuwaas oo si joogto ah geedi socodka doorashada warbixino uga siin doona ra’iisul wasaaraha.

War-saxaafadeedka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa lagu soo bandhigay sagaal qodob oo fariin loogu diray guddiyada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka, waxayna kala yihiin:

1– Ka hor inta aan la qaban doorashada kursi kasta oo golaha shacabka ka tirsan waa in la cadeeyo, la diiwaan geliyo oo la shaaciyo magacyada xubnaha guddiga xulista ergooyinka ee ka kooban doobabka, caaqillada, bulshada rayidka ah iyo jufooyinka beelaha ee kursigaas iska leh.

2– Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT waa in ay la wadaagaan guddiyada doorashooyinka heer federaal, xalinta khilaafaadka iyo wakiillada ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha arrimaha xulista guddiga ergada ka hor inta aan la diiwaan gelin, lana shaacin.

3– Soo xulidda ergada waxaa si buuxda ugu madax-banaan duubabka, caaqillada, bulshada rayidka ah ee jufada iska leh kursiga, lagumana fara-geli karo.

4– Ka hor inta aan la gelin doorashada waa in la tababaraa guddiyada xulista ergooyinka, si howsha doorashada ay ugu fusho si waafaqsan shuruudihii iyo habraacyada doorashooyinka.

5– Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka ahaadaan guddiga soo xulay ergada doorashada geleysa, warbaahinta madax-banaan iyo goobjoogayaal madax-banaan, si marqaati loogu noqdo hufnaanta iyo madax-bananida doorasho kasta.

6– Guddiyada doorashooyinka waa inay si buuxda u hubiyaan in musharaxiinta u tartameysa kuraasta baarlamaanka, guddiyada xulista ergooyinka iyo ergooyinka lasoo xulayo inay buuxiyeen shuruudaha loo dejiyey iyo habraacyadii lagu heshiiyey.

7– Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka iyo guddiga xalinta khilaafaadka in si buuxda ay ugu dhaqmaan heshiisyada iyo habraacyada hagaya doorashooyinka cid kasta oo isku dayda inay baalmartana waa lala xisaabtamayaa.

8– Si loo ilaaliyo wadashaqeynta guddiyada doorashooyinka Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku wargelinayaa dhamaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana ay ilaaliyaan heshiisyada doorashada ee horay loo dejiyey.

9– Guddiyada maamulka doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa lagu adkeynayaa inay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda.

Hoos ka daawo afhayeenka xukuumadda Macalimuu oo akhriyey warmurtiyeedka R/Wasaaraha

The post R/W Rooble oo ka jawaabay go’aankii lagu laalay labada kursi, soona saaray 9 qodob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this