Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo daahfurtay machad lagu tababarayo shaqaalaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Hadal uu jeediyay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garowe ka daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.

Machad-ka ayaa sida la sheegay loo qorsheeyay sanadka u horreeya in uu tababaro 1000 shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd bishan gudaheeda waxbarasho loogu dirayo dalka Kenya.

FB_IMG_1638714822436.jpg?resize=720%2C48

Waxaa mashruucan iska kaashanaya dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto Machad-ka Tababarka Shaqaalaha dowladda Kenya iyo Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo hadalka dheer ka jeediyay munaasabada daahfurka ayaa yiri “…..qofka shaqaalaha ah haddii uusan tababar helin, waxaa dhacaysa in qofku uu u maleeyo in hay’adda reerkiisa geeyeen in uu ka tagona ay adkaanayso, sida meelaha qaarkood ka taagan. Sidaasi darteed muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay Machadka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.”

PUNTLAND POST

The post Puntland oo daahfurtay machad lagu tababarayo shaqaalaha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this