Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada heer federaal oo laalay natiijada doorashada laba kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa laalay doorashada laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka, oo ay sheegeen in habkii loo maray aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey.

Labada kursi ayaa kala ah HOP#103 oo ah kursigii uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo kursiga HOP154, oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursigan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga

TXR/GHD/0062/21       Taariikh: Dec- 5, 2021
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Gobolada Waqooyi
Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug
Og: Madaxweynayaasha maamul goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha DFS –

Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan:

1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo  29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa.

2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo  go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaasdarteed,  marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa.

3. Waxaa jira  kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa.

4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag. 

Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed.
264605770_326901585933300_73563631976855

The post Guddiga doorashada heer federaal oo laalay natiijada doorashada laba kursi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this